Togdheer: Shil baabuur oo sababay Khasaare ballaadhan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac

Burco (SLpost)- Inta la ogyahay Todoba Qof ayaa ku dhintay ilaa Sagaal qof oo kalena way ku dhaawacmeen kadib markii uu xalay gaadhi ay saarnaayeen uu kala qalibmay duleeedka Tuulada Huluuley oo 45Km dhinaca bari ka xigta Magaalada Burco.

Shilkan uu gaystay gaadhi noociisu yahay Dhayne kuna sii jeeday dhinaca degmada Caynabo ayaa  ilaa haatan aan la garanayn sababta dhalisay, waxaana dadkii ku dhaawacmay Shilkan lagu dawaynaya Cisbitaalka guud ee Magaalada Burco iyadoo intooda badan ay xaaladoodu tahay mid adag.

Taliyaha Laanta nabad galyada wadooyinka ee Gobolka Togdheer Jaamac Ismaaciil Cali oo warbaahinta uga waramayay shilkan ayaa ku tilmaamay mid argagax leh waxaanu sheegay inay boolisku ilaa hada baadhayaan sababta keentay Shilkaas aadka u cuslaa, waxa uu taliyuhu carabka ku dhuftay inay jiraan arrimo horseed ka ah shilalka gaadiidka ee soo noqnoqdo kana mid tahay ayuu yidhi khibrad la’aan haysata wadayaasha gaadiidka iyo xamuulka xad dhaafka ah ee la saarayo.

Shilkan ayaa noqonaya. sida uu sheegay taliyaha laanta nabadgalyada wadooyinka ee gobolka togdheer. kii labaatanaad ee ka dhaca gobolka Togdheer bishan aynu ku guda jirno.

SLpost news/Berbera