Togdheer: Gacan-ku-dhiiglayaal Xukun Dil ah lagu fuliyey

Burco (SLpost)- Guddoomiyaha  Maxkamadda Sare   ee Somaliland  Yuusuf  Ismaaciil  Cali oo hawlo shaqo u jooga xarunta gobolka Togdheer ee Burco ayaa  maanta  xukun dil ah ku riday afar gacan ku dhiigle oo hore u galay danbiyo dil ah

Gudoomiyaha  maxkamadda  Sare ayaa xukunka dilka  gacan  ku dhiiglayaasha kaga dhawaaqay   xarunta  maxkamadda  Racfaanka  ee magaalada  Burco.

Xukunka gacan ku dhiiglayaashaa ayaa loo cuskaday  sharciga islaamka iyo xeerka  ciqaabta  guud ee dastuurka  dalka,  waxaana xarunta maxkamadda ku sugnaa ehelada gacan ku dhiiglayaasha la xukumay  iyo sidoo kale  eheladii  marxuumiintii dilalkan ku geeriyooday iyadoo  amaanka Maxkamadana aad loo adkeeyay.

Gudoomiyaha Maxkamada sare iyo Garsoorayaal ka tirsan Maxkamada Sare ayaa todobaadkan Hawlo shaqo u joogay Xarunta Gobolka Togdheer ee Magaalada Burco, waxaanu Gudoomiyuhu sheegay in xaaladaha shaqo ee Maxkamadaha Togdheer ay u Muuqdaan kuwo Si wanaagsan u shaqeynaya.

SLpost News