Togdheer: Faahfaahinta Weerar dabley Hubaysani ku Qaadday Wefti Xukuumadda ka tirsan oo Khasaare Dhimasho ah Geystay

Burco (SLpost)- Askari Boolis ah iyo Qof Shacab ah, ayaa dhintay kadib markii ay tacshiirado isweydaarsadeen ciidamada amaanka saddex nin oo dablay ah duleedka Koonfur-galbeed ee magaalada Burco.

Cabdi-aw-DaahirWasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Dr.Cabdi Aw-Daahir oo u waramaayey warbaahinta Dawlada ayaa sheegay  in kadib markii ay kaso laabteen  dhagax dhiga mashruuc la xidhiidha xanaanada xoolaha ee degaanka Kabadheere ay saddex nin oo  dablay ahi ay rasaas isku weydaarsadeen ciidamada amaanka ee wehelinaayey wasiirka iyo gudoomiyaha gobolka togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi Xamarje iyo Duqay kale, halkaasina uu ku geeriyooday hal askari oo ka tirsanaa ciidanka booliska iyo mid ka mid ah  dablaydaas Weerarka soo qaaday.

askartaWaxaanu wasiirku intaasi ku daray in goobtaasi gacanta lagu dhigay mid katirsanaaa dablaydaasi halka midkii kalena uu baxsaday.

Mudane Cabdi Aw Daahir waxaa uu tacsi u diray qoyskii iyo eheladii u kabaxay  marxuunkaasi ka tirsanaa ciidamada boolisku.

Dhinaca kalena taliyaha ciidanka booliska Somalilanda Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa ka tacsiyadeyey ciidanka booliska Geerida ku timid askarikaasi Gudanayay Waajibaadka qaran waxaanu intaas ku daray in dhacdadan baadhisteedii ay ku guda jiraan Ciidamada Amaanku,Waxa uu Taliyuhu shacbiga ku booriyey in ay xoojiyaan xidhiidhka wada shaqeyneyd ee ay la leeyihin booliska.

BadhasabIska hor imaadkan dhex maray 3da Nin ee hubaysnaa iyo ciidanka Booliska ee Gobolka Togdheer ayaa yimi kadib markii weftiga oo waxooga ka soo kicitimay goobtii la soo dhagax dhigay ay la kulmeen nimankan qoryaha sitey waxana taliyaha qaybta boolisku amar ku siiyey ciidankii uu watay in nimankaas hubka ay sitaan laga soo qaado, askartii ay ku degtay una yaacay dhincii nimankaasi marayeen waxana nimankaasi isku difaaceen hubkii ay siteen, waxaana ay rasaas oodda kaga qaadeen askartii xaggooda u soo socotay, iyadoo rasaastii ay ridayeen ay madaxa kaga dhacday mid ka mid ah askartii taliyuhu ku amray in nimankaas hubka laga soo qaado halkaasna uu ku geeriyooda, iska horimaadkii oo sii socda ayaa dhimashadii askariga kadib askartii Rasaas xoogan ku fureen nimankii waxana ay toogteen ninkii xabbada ku dhuftay askariga geeriyooday, waxa isaguna halkaas ku geeriyooday ninkii shicibka ahaa ee askariga toogtay.

Somalilandpost.net