Togdheer: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha oo Faahfaahiyey Mashaariic cusub oo uu Dhagax-dhigay

Burco (SLpost)- Agaasimaha guud ee Wasaarrada Biyaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa dhagax-dhigay Mashaariic kor loogu qaadayo adeegyada Biyaha ee Degmada Nasiye oo ka tirsan Gobolka Togdheer iyo deegaamo oo isla gobolkaas hoos-yimaada.

Mashruucan oo ah laba dhaam-biyood, waxa iska kaashaday Wasaarrada Horumarinta Biyaha iyo Hay’adda NRC, waxaana hirgelintiisa soo dhaweeyey Dadweynaha ku dhaqan halkaasi oo baahi weyn u qabay.

Agaasimaha guud oo ka hadlay munaasibad loo qabtay daah-furka Mashaariicdan ayaa sheegay in ay Wasaarradu fulinta mashaariicdan ku salaysay qiimeyn dhanka baahida ah.

Wasaarrada horumarinta Biyaha Somaliland ayaa sanadihii u dambeeyey dedaal ugu jirtay sidii ay Adeegyada Biyaha ugu fidin lahayd guud ahaan dalka, gaar ahaana meelaha ay biyo-yaraantu ka jirto.