TOG-WAJAALE: Taliyaha Guud ee Laanta Socdaalka Oo Xadhig ka-jaris ku sameeyey Dhismayaal Cusub Oo Loo Hirgeliyey Xarunta Socdaalka ee gobolka Gabiley

Tog-Wajaale (SLpost)- Taliyaha Guud ee Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Yuusuf (Ina Camabaro), ayaa maanta Xadhiga kajarey Dhismayaal Cusub oo mid kamid ah Dib habeyn lagu Sameeyay Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley gaar ahaa Xafiiskooda Tog-Wajaale oo fadhigooda ugu Weyni yahey.

Dhismayaashan oo ay Fulisey Hay,ada SIA islamarkaana ay maalgalisey Dowlada Ingiriisku gaar ahaan Xafiiska ugaarka ah Commenwealthka Office, waxa taliyaha ku wehelinayey Xadhig ka jaristooda Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahim Geedi.

Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley Gaashaanle Cabdirashiid Axmed Xasan oo aanu ka warraysannay wax-qabadka u soo kordhay, ayaa waxa kamid ahaa hadaladiisii, “Waxa saaka oo ay bishu tahey lix xadhiga laga jarey dhismayaal Cusub iyo mid dib uhabayn lagu sameeyay oo labaduba kuyaala Baraha kaantaroolada Tog-Wajaale run ahaantii aadbaanu ugu faraxsanahay in aanu helno dhismayaal cusub oo qalabeysan oo aanu ku shaqeyno waxaananau u mahad celinaynaa dhamaan Masuuliyiinta kasoo Qeyb gashey Hay,adaha  dhismahan Hirgaliyay, Mamulka sare ee Laanta Socdaalka Somaliland, iyo Maamulka heer Goboll iyo Degmo ee Tog-Wajaale iyo Gabiley,” ayuu yidhi Gaashaanle Cabdirashiid.

taliyahaIsaga oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray, “Waxaanan ka waramayaa duruufihii adkaa ee markii hore aanu ugu soo dhabar adeygnay Xarumaha Socdaalka Tog-Wajaale iyo maanta oo ay noo dhameys tiran yihiin Qalabkii oo dhan oo aan sheyna ka maqqneyn gabagabadii waxaan sigaar ah ugu mahad celinayaa Hay,ada SIA oo dhismahan noo hirgalisey, waxa kale oo aan u mahad celinayaa Haya,adaha kale ee nagala qeyb qaata dhismaha Laanta Socdaalka Togwajaale fadhiga Gobolka Gabiley,”ayuu yidhi Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley.

Munaasibadda Xadhig-ka-jarista dhismayaasha cusub ee Loo hirgeliyey laanta socdaalka Somaliland, waxa hadalo kooban ka jeediyay Taliyaha Guud ee Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Yuusuf, Gudfoomiyaha Gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahim Geedi iyo Maamulka Degmada Tog-Wajaae iyo masuuliyin kale.

Laanta Socdaalka Tog-Wajaale ee Xuduudda u dhexeysa Somaliland iyo Itoobiya, ayaa sanadba sanadka ka dambeeya dib u habeyn lagu sameeyaa iyadoo hadda la gaadhsiiyay heer Caalami, taas oo u sahashay inay ka hortagaan isla markaana ay gacanta ku dhigaan dadka sharci-darrada ku soo galaya ama kaga baxaya dalka.

SOMALILANDPOST.NET/Tog-wajaale