Tog-wajaale: Dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay Dhisme Dad Muruqmaal ah ku dumay

 

Tog-wajaale (SLpost)- Khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac ayaa ka dhashay kaddib markii Dad muruq-maal uu ku dumay Dhisme ay ka dhisayeen magaalada Tog-wajaale ee Somaliland gelinkii dambe ee maanta.

Ilaa immika inta la xajiiyey saddex qof, ayaa ku geeriyooday tiro ku dhow 11 qof kalena way ku dhaawacmeen dhismaha oo laga dhisayey magaalada xuduudka ku taalla ee Tog-wajaale dhinaca Somaliland.

Dadka Dhaawaca ah ayaa loola cararay Cusbitaalka magaalada, kaddib markii ay goobta soo gaadheen gaadiidka gurmadka caafimaadka ee degmada.

Warku waxa uu intaas ku daray in Dadka ku geeriyooday dhacdadan waxa ka mid ah Mulkiilihii iska lahaa Dhismaha oo ahaa dhisme cusub oo laga dhisayey magaalada.

Ilaa hadda ma jiro war ku saabsan dhacdadan oo ka soo baxay maamulka degmada.

La soco wixii warar ah ee ka soo kordha.,,

 

Somalilandpost.net