“Todobadan mas’uul ee an hoos ku qorey waa kuwa ugu danbeynta mas’uulka ka ah masiirka dalku ku socdo”

BileXilka Yaad u Dhiibatey eed La Xisaabtameysaa?

Dhowr bilood ka hor, waxa hadal na dhex marey saaxiib taageere weyn u ah mid ka mid ah xisbiyada mucaaridka ah. Waxa uu eedeynayey  Madaxweynaha iyo dawladda oo uu ku doodayey “mey aheyn in shirkii London ay dawladdu ka qeyb gasho” oo uu raaciyey hadalo kale oo eedeyn ah oo arrintaa la xidhiidha.

Waxan uugu jawaabey “Sowdigii adigu ogolaadey in shirka laga qeyb galo”

Wuxu yidhi “Anigu waan ka soo horjeedey”

Waxan idhi “Sowkii guddoomiyaha xisbigiinu ogolaadey”

Wuxu yidhi “Goormuu ogolaadey eed adigu aragtey?”

Waxan idhi “Miyaad aragtey meel uu guddoomiyaha xisbigiinu ku diiday?”

Wuxu yidhi “Maya”

Waxan idhi “Arrin ay mas’uuliyadi kaa saarantahay oo laga tashanayo oo aanad diidin, waxa ay ka dhigantahay waan ogolahay, waa haddii aanad hurdin intii la tashanayey”

Waxan idhi “Xildhibaanadii baarlamaanka ee ad soo dooratey sow kuwii dawladda u ansixiyeen in laga qeyb galo shirka London”

Wuxu yidhi “ Xildhibaanadaasi waxba ma oga oo wixii la yidhaa uunbey raacayaan”

Waxan idhi “Waa kuwii ad soo dooratey ee ku iimaan qab”

Waxan markii danbe saaxiibkey iyo anigu isla garaney inu marka uu fursad helo, cadhada kula dhaco guddoomiyaha xisbiga uu taagersanyahay oo uu weydiiyo sababta uu ku taageerey ka qeyb galka shirkaas ama sababta uu uuga soo horjeesan waayey. Waxan idhi waataa dawladnimadu. Yeynaan madaxweynaha uun ku meereysan ee madaxweynayaal badan oo kale ayaan doorane nin walbaa Siilaanyihiisa hala soo xisaabtamo.

Waxa an sameysanney nidaam dawaladeed oo heykalkiisu u dhanyahay, balse waxa an had iyo goor maqalnaa eeda iyo dhaliisha oo la saarayo tiir ka mid ah tiirarka an sameysanney kuwii kalena aad moodo inaan xil saarneyn.Bal an sidan soocotoa wax u eegno:

Waxay umaddu dooratey madaxweyne loo xilsaarey inu mas’uul ka noqdo hagidda iyo fulinta barnaamijka dawladeed. Madaxweynuhjuna waxa uu sameystey golihiisa wasiirada iyo hay’adaha kale ee dawladda oo fulinaya barnaamijka dawladdu dhigatey.

SU’AASHA 1 aad

Siyaasadda iyo Hogaaminta dalka wixii ka qaldama intee in leeg ayuu Madaxweynuhu leeyahay?

 

Waxa umaddu dooratey gole Baarlamaan iyo Guurti oo ah xeerdejinta iyo iney la xisaabtamaan dawladda, hagaanna itijaaha ay siyaasadda dalku u jeeddo. Waxa ay awood u leeyihiin iney dawladda la xisaabtamaan, wixii fiican ku taageeraan wixii qaldanna ka saxaan haddii ay noqotana ka joojiyaan. Awoodoodu waxa ay gaadhaa xitaa iney madaxweynaha xilka ka qaadaan iyagoo adeegsanaya distuurka.

SU’AASHA 2 aad:

Golaha awoodda intaas leeg leh, intee in leeg ayay ku yeelanayaan mas’uuliyadda wixii ka qaldama siyaasadda dalka?

axa jira saddex Xisbi Qaran oo distooriya oo aan dawalad iyo madaxweyne toona marti uuga aheyn doorka ay ka ciyaarayaan siyaasadda dalka. Dadka intiisa badani waxa ay siyaasiyan ku daba feylaan axsaabtan. Markasta oo dalka la soo gudboonaato arrin adagi, dawladdu waxa ay la tashi la sameysaa axsaabta qaranka oo ay taladooda dhageysataa tix gelisaana. Gaar ahaan, ma dhici karto in dawladdu ku dhaqaaqdo tallaabo ay ka soo horjeedaad labada xisbi ee mucaaradka ihi. Ka sakow xisbinimada, mudanayaasha baarlamaanka ee la soo dortey kala badh ayaa ah xisbiyada mucaaradka ah. Taa macneheedu waxa an uuga jeeda, in wax kasta oo ay dawladdu ku dhaqaaqeysaa uu yahay wax ay la ogolyihiin mucaaridka iyo muxaafidkuba.

SU’AASHA 3 aad:

Haddaba, haddii maanta siyaasadda dalka wax ka qaldamaan, mas’uuliyad intee ayay hogaamiyayaasha axsaabta qaranku ku yeelanayaan?

Qaranku wuxu leeyahay xeer ilaaliye guud iyo Guddomiyaha Maxkamadda sare. In kastoo ay labadan mansabba uu magacaabo madaxweynuhu, haddana waa laba mansab oo awood ku leh siyaasadda iyo maamulka dalka. Labadani waa marjaca kama danbeysta ah ee la isula noqonayo wixii khilaaf ah ee ka yimaadda distoorka. Xilalka labadan mansab ha kala duwanaado, balse labaduba marka si aqoon leh loo adeegsado waxa ay saameyn weyn ku yeelan karaan siyaasadda dalka.

SU’AASHA 4 aad :

Haddiiba uu dhaco qalad siyaasadeed, mas’uuliyad intee leeg ayay labadan mas’uul ku yeelanayaan?

Qeybaha an kor ku sheegey mid walbaa waxa uu leeyahay mas’uuliyad oo haddii ay wax hagaagaanna ay mudantahay in lagu ammaano, haddii ay qaldamaanna lagula xisaabtamo. Wey dhici kartaa in mas’uuliyadda la kala badsado oo qaar ay saarantahay mid ka badan midka kale.

Todobadan mas’uul ee an hoos ku qorey waa kuwa ugu danbeynta mas’uulka ka ah masiirka dalku ku socdo. Iyaga ayaaney tahay in lagala xisaabtamo wixii qaldama. Mas’uuliyiintaasi waxa ay kala yihiin:

1.       Mudane Ahmed Mohamed Siilaanyo, Madaxweynaha JSL

2.       Mudane Cirro, Guddoomiyaha Xisbiga WADANI

3.       Mudane Feysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga UCID

4.       Mudane Muse Biixi, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye

5.       Mudane Cabdirahman Maxamed  Cabdilaahi (Cirro), Guddoomiyaha Baarlamaanka JSL

6.       Mudane Xasan Axmed Aaden    Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka

7.       Mudane Yuusuf Ismaaciil Cali, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Haddaba haddii mustaqbalka ay kula soo gudboonaato arrin ku saabsan siyaasadda iyo horumarinta dalka, ama ad diidantahay sida dalka loo wado, waxa muhiim ah inan marka hore la xidhiidho 7 mas’uul ee dalka uugu sareeya oo ay u badantahay in ama qaarkood ad soo dooratey ama ad isku siyaasad tihiin ama haddii laga tegi waayo ad isku ardaa tihiin. Mas’uulkaasi waa inu siiyaa jawaab cado o ad ku qanacdo ama uu kula hawl galaa oo uu isagu mawqifkiisa cadeeyaa oo aanu ishaafalateysan.

Waxa iyana kuu furan inad la xidhiidho xildhibaankii ad soo dooratey ama laga soo doortay deegaankaaga amaba laga yaabo inad isku ardaa tihiin oo ad weydiiso waxa uu yahay mawqifkiisu iyo inad ka dhaadhiciso mawqifkaaga.

Dabcan madaxweynaha iyo dawladiisu waxa ay leeyihiin mas’uuliyadda qeybta u weyn, balse talo noqon meyso in wax kasta isaga la saaro iyaga oo meesha taagan dadkii umaddu soo dooratey. Talo noqonmeyso in gudoomiyayaashii axsaabta iyo mudanayaashii an doraney inaga barbar calaacalaan oo ay yidhaahdaan wallaahi sidan wax loo wado garan meyno. Kii hawsha loo igmaday ayaa kaa barbar calaacalaya halkii uu isagu jawaab kaa sin lahaa.

Carabta ayaa ku shaqeysa siyaasad guracan oo ah:  yuhuudda col ayaanu la nahay, mareykankana saaxiib ayaanu nahay, hadana mareykanku waa dawladda u weyn ee yuhuud taageerta meeshana ku haysa. Waa munaafaqad warkaasi. Iminka, inan dawladda eedeyno oo hadana an taageerno axsaab iyo mudanayaal dhinaca kale ama ka taagersan dawladda ama aan diidaneyn waxa dawladdu ku kaceyso. Taasi socon meyso ee an meel iskugu luga duwano.