Toddoba Qof oo ku dhintay Shil-baabuur oo ka dhacay duleedka Degmada Sheekh

 

Burco (SLpost)- Shil gaadhi oo maanta ka dhacay meel u dhaxaysa Burco iyo Sheekh, ayaa la sheegay in ay ku dhinteen todoba qof oo ay ku jiraan hooyo iyo laba hablood oo ay dhashay.

Gaadhiga shilka dadka badan ku dhinteen sababtay ayaa noociisu ahaa NOHO, kaas oo ku sii jeeday magaalada Buuhoodle, ilaa haddana ma cadda sababta dhabta ah ee keentay shilka.

Warku waxa intaas ku daray in Meydadka dadka ku dhintay iyo Dhaawacaba la gaadhsiiyey Cusbitaalka Guud ee magaalada Burco.

Somalilandpost.net