Toddoba Qodob oo ku Jira Xog-Ururintii IRI oo daahfuraya Saamaynta ay xukuumaddu ku lahayd in daraasaddan la sameeyo

Hay’adda Maraykanka ah ee IRI ayaa gadhwadeen ka noqotay daraasad ay ka samaysay Magaalo madaxda Hargeisa iyo degmooyinka hoos yimaadda, iyada oo u wakiilatay inay hay’ad kale oo lagu magcaabo DARS u fuliso, xog ururintan ayaa ahayd mid loo baahnaa hase ahaatee u muuqata inay siyaasado badani ka muuqdaan, haddiiba laga tago inta qarsoon aynu si caqli ku jiro u miisaanno inta innoo muuqata, Daraasaddani waa mid ka tarjumaysa danaha xukuumadda iyo doonisteeda oo la doonayo inay xukuumaddu muujiso inay weli haysato kalsoonidii shacabka, qodobada arrintaas ka marag kacaya ayay ka mid yihiin:

  1. Daraasadda waxaa lagu bilaabay in lagu soo badhigay in Somaliland si aada sare ugu kacday sannadkii xukuumadda Cusubi xilka haysay, 73% ayaa daraasadda lagu sheegay in dadka codka laga ururiyey ay leeyihiin sare ayay Somaliland sannadkaas u kacday halka 89% ay dadkaas codka laga qaaday leeyihiin dalku dariiqii saxda ahaa ayuu hayaa, 43% tiradaasi waxaabay leeyihiin dariiqaas dawladda ayaa hoggaanka u haysa 28% ayaase iyagu yidhi madaxweynaha ayaa ka masuul ah, haddaba taasi waxay muujinaysaa in dadka la tuso in siyaasadda cusub ee arrimaha debedda iyo tan gudaha ee madaxweynuhu qaatay ay yihiin kuwo midho dhal ah, taas oo mucaaradad xooggan shacabka kala kulantay sannadkaas, waxayna keentay xattaa in si qaawan masuuliyiinta xukuumadda ay u eedeeyaan baarlamaanka iyo weliba xisbiyada mucaaradka oo ka biyo diidsan siyaasadda cusub ee arrimaha debedda ee ay xukuumaddu wadday.
  2. dadka ayaa la weydiiyey heerka ammaankooda iyo sida ay ugu kalsoon yihiin waxaana daraasaddan lagu sheegay in 95% ay ammaan yihiin, Hargeysa runtii waa ammaan Somalilandna maanta nabadgelyo ayay ku naaloonay haddana meelaha qaar haddii daraasaddan laga samayn lahaa laga yaabee inay aad uga hoosayn lahayd, hase ahaatee si dadka loo tuso in xukuumaddoodu ay amniga sidii la rabay u sugtay ayaa qorshahani inna tusayaa in Hargeisa lagu soo koobay.
  3. Inkasta oo warbaahintu ay leedahay saamaynteeda haddana aqoonta dadka xogururintan samaynayey inay ku koobnayd dad ladan oo gaara waxaa sheegaya, waxay tibaaxeen in dadka ay waraysteen ay u sheegeen inay wararka ka helaan 46% Telefiishanadda halka 36% ay idaacadaha kala socdaan 8% ay joornaalada iwm kala socdaan, halkaas u fiirso, waxay inna tusinaysaa cidda ay waraysteen, Marka warbaahinta la kala abla-ablaynayo ama si aqooni ku dheehantahay loo eegayo, Joornaalka ama Baraha Internetka dadka akhriya waxay u badan yihiin dad aqoon leh ama akhriska garanaya, runtiina iminka Hargeisa dhexdeeda haddii aan malaha dadku joornaalka akhriyin shaqadaba ma bilaabaan, Telefiishanna waxaa daawada waa nin dhaqaale ahaan awoodaya inuu gurigiisa dhigto oo awoodaya inuu korontada ku baxaysana iska bixiyo, adigu waa nin xoogaa dhaqaale ah haysta ama nin meherad warkiisa ka daawada. Laakiin Idaacaduhu way ka duwan yihiin, idaacadda waxaa dhegaysanaya ninka miyiga jooga iyo ninka magaalada jooga, nin dhaqaale haysta iyo nimaan waxba haysan, nin aqoon dheer leh iyo nimaan aqoon badan lahayn, markastana dunida waa ta ugu saamaynta badan, sidaas awgeed marna ma sinna dadka warka ka hela idaacadaha iyo telefiishannadu, idaacaduhu way ka dad badan yihiin telefiishannada, warka BBC ama VOA ama Radio Hargeisa laga sii daayo iyo warka TElefiishanka Qaranka laga sii daayo tolow ma isku dad ayaa dhegaysanaya? Jawaabtaasi waa mid aan dadka maqaalkan akhrisanaya u dhaafayo
  4. haddiiba dooddaa hore aan si kale u dhigo, waxaa la yidhi Telefiishkanka Qaranka dadka daawada waxaa lagu sheegay 23% halka Telefiishanka HCTV isna dadka daawada daraasaddu ku tilmaantay 22% Idaacadda Radio Hargeisa ee ay dawladdu leedahay ayaa lagu sheegay 17% halka Idaacadda BBC dana lagu sheegay 18% Idaacadda kale ee VOA ayaa iyana lagu sheegay inay dhegaystaan oo keliya 5%, bal intaas u fiirso, Tolow Telefiishka Qaranka iyo HCTV keebaa daawadayaal badan, Inta Filimada musasalka kala socota HCTV oo qudha ayaa ka badan inta TVga qaranka daawata ayaan odhan lahaa, Idaacadda Radio Hargeisa iyo BBC ma isku dhegaystayaal baa tolow? Idaacadda Radio Hargeisa ma Saddex lab ayay ka badan tahay idaacadda VOA? Tolow maanaa khaldan mise cadan ayaa laga heesayaa
  5. Daraasaddan ayaa lagu sheegay in dadku 64% ay taageersan yihiin Xisbiga Kulmiye halka 19% ay UDUB taageersan yihiin UCIDna 15%, tolow kulmiye Taageeradiisu ma kor ayay u sii kacday intuu xukunka qabtay? tani waa arrin kale oo muujinaysa in dadka loogu qalbi qaboojiyo in xisbil-xaakimkii ay taageeradiisu sii korodhay
  6. dadka ayaa la waydiiyey sida ay u wada xidhiidhaan waxaana daraasaddani leedahay 62% waxay aadaan xafiisyada, 14% telefoonada ayay ku wada xidhiidhaan, 3% shabakadda Facebook halka 3% ay ku wada xidhiidhaan waraaqo, bal isweydii xafiisyada xukuumadda ee shaqaynaya ama masuul laga helayaa halka ay ku yaalliin? Maynu rumaysan karnaa in isgaadhsiinteenna dadka ee ugu weyni tahay in masuuliyiinta laga helo xafiisyadooda oo ay ka horrayso isticmaalka Telefoonka Gacanta? Qodobkanna waxaa aragtida ka dambaysaa muujinaysaa in dadka loo tuso in xafiisyadii dawliga ahaa shaqaynayaan oo masuuliyiintii ay weli fadhiyaan oo dadkuba xafiisyo shaqaynaya u soo wada kallahaan.
  7. Hore waxaa xukuumaddu dadka ugu sheegtay in dadka aqlabiyaddoodu ay u codeeyeen markii ay xog ururin samaysay in ururo la furo in loo baahday, hase ahaatee daraasaddani waxay leedahay dadka oo la weydiiyey cidda ay u codayn lahaayeen doorashada baarlamaanka haddii la qabto ma ururo mise xisbiyada jira? Waxaa daraasaddu leedahay 55% waxay leeyihiin Xisbiga Kulmiye, 16% waxay leeyihiin UDUB, 15% waxay leeyihiin UCID, 5% oo qudha ayaa leh ururo cusub, marka aynu isbarbar dhigno xogururintii madaxweynuhu ururada ku furay ee uu sheegay in dadka aqlabiyaddoodu ay soo jeediyeen in ururada la furo maa xog ururintaa horaa sax ahayd? Ma tan dambaa saxa? Xaggee wax ka khaldan yihiin? Haddiiba 5% qudhi ay ururo cusub doonayaan maxaa inta kale loo tixgelin waayay, waa suaalo dareen muujinaya haddii jawaabtooda la raadiyo

Arrimaha kale ee halista amni ee keeni karaya ee warbixintan ku jira ayaa ah inay soo noolayso dareen qabyaaladeed ka dib markii ay xog ururinteeda ku soo bandhigtay Qabaa’ilka dega caasimadda oo ay sheegtay inay u kala sarreeyaan sida ay u qortay taasina waxay halis ku tahay xasiloonida dadka wada dega caasimadda hargeisa oo awelba u wada noolaa iyaga oo walaalo ah.

Axmed C. Xirsi

BA International Relation,

London, UK