Toban Arrimood Oo Hirgelin Kara Madaxbanaanida Somaliland – W/Q: Xuseen-Kurdi

Iyadoo ay si rasmi ah u bilaabmeen wadahadaladii Somaliland iyo Somalia ee lagu go’aamiyey shirkii bisjii Febaury ee London lagu qabtay ayna labada dhinac kaga arrinsanayaan mustaqbalkooda siyaasadeed, Somaliland-na dhankeeda ay ku doonayso inay wadahadaladu noqdaan wadiiqadii u dambaysay ee ku leexanaysa dhabbaha loo marayey Aqoonsi buuxa oo ay beesha caalamka ka hesho ayaa qormadan waxaynu ku eegaynaa Toban Arimood oo u muuqda inay gacan weyn ka gaysan karaan qorshaha ay Somaliland ku doonayso ictiraaf ay ka hesho beesha caalamka.
1 .Somaliland oo ka hor  Midnamadii 1960-kii ahayd Dawlad Buuxda: Arinta Koobaad waxay tahay iyadoo ay Somaliland midnimadii 1960-kii kahor ay ahayd Dal gaar u qaatay xornimadiisa, xuduudo la yaqaanno lahaa, Xukuumad iyo baarlamaan la soo doortay ay ka shaqaynayeen, nadaamkii garsoor iyo kii Dawladaha hoosena ay ka shaqaynayeen, taasoo ay soo raacaan inay Somaliland xiligaa lahayd lacag u gaar ah iyo Ciidamo qalabka sida. maantana ay leedahay intaas in la mid ah.
2. Somalia oo an 1960-kii  Midnimada raalli ka ahayn: iyadoo aynu wada ogsoonahay in siyaasiyiintii ugu waaweynaa ay bixiyeen kelmadii ahayd ((labo Qaawani Isma qaaddo)) Maantana ay xaqiiqadu tahay in Somalia aanay 100% doonayn inay Somaliland dib isugu noqdaan, arintan oo ah mid aan dad badani rumaysanayn laakiin xaqiiqadeeda la gaadhi doono.
3. Dawladii lagu midoobay ee sanadkaa Lixdankii oo aan saxiixin Heshiiskii Midowga Afrika ee dhigayey in xuduudaha dalalka afrika loo daayo sidii gumaystahu kaga tegay, taasoo Somaliland siinaysa fursad ah in heshiiskaasu aanu khusayn maadaama aanay saxeexin.
4. Madaxbanaanida Somaliland oo ah mid ku qotonta rabitaanka shacabka looguna codeeyey afti dastuur oo la qaaday sanadkii 2001 iyo dastuurka somaliland oo aan Xukuumad xafiiska joogta maantaa iyo xisbi talada haya toona  siinayn awood sharci oo ay ku go’aamin karaan wax ka bedelan waxii shacabku aftida ku ansixiyey.
5. Kala Fogaanshaha nadaamka dawladeed ee Somaliland iyo Somalia: Marxaladda siyaasadeed ee Somaliland iyo Somalia marayaan oo aad u kala fog , maadaama Somaliland tahay dal ay ka hirgashay Dimuqraadiyad ku dhisan qayimka umadeeda, tartanka awoodana loo marayo doorashooyin ku qotoma rabitaanka shacabka, Somaliland oo leh golyaal dawladeed oo la soo doorto iyo lacagta Somaliland oo Lix jeer ka qaalisan Lacagta Somalia. xilli ay Somalia tahay waddan fashilmay oo ay daashadeen dagaalo sokeeye, daymo shisheeye iyo dawlad dhexe oo xoogan oo aan ka jirin, arimahan oo ka dhigi kara labo wadan oo aan is qaadan karin.
6. Sadex iyo labaatan dal oo ka go’ay wadamo kale oo dunida ku soo biiray tan iyo intii ka dambaysay markii ay Somaliland la soo noqotay Madaxbanaanideeda sanadkii 1991-kii Somaliland oo aan iyadu ka soo go’in dal kale laakiin la soo nooqtay dawladnimadeedii waxay xaq u leedahay in loo aqoonsado sida loo aqoonsaday sadex iyo labaatanka wadan ee kala ah: Korwatia, Boznia, Serbia, Mountnegro oo dhamaantood ka go’ay Yuguslavia, halka sidoo kalena wadamakda kala ah Georgia, Abkhazia, Qirqisia, tajikistan, Turkumanistan, Uzbakistan, Azerbajan, Armania, Stonia, Latvia, Lithuwania, Belarusia, Ukrain  ay dhamaantood ka go’een dalkii Midowga Soofiyeeti o baaqiga hadhay uu yahay dalka Ruushka.
7. Qabanqaabiyayaasha Qorshaha xiliga kala guurka ee Somalia oo kala ah Qaramada Midoobay, midowga Afrika iyo dalalka Igad  oo aan qorshaha Road Map-ka ku darin Somaliland.
8. Wadamada deriska oo aan taageerayn Qorshaha dhismaha Somaliweyn maadaama ay soo noqon karto himiladii Somaliweyn oo mandaqadda ku abuuri karta Colaadahii sanadihii Todobaatanaadkii iyo Sideetanaadkii, xilli aqoonsi ay Somaliland hesho uu meesha ka saari karo laab la kacii khasaaraha badan dhaliyey ee ku qotomay Dhismaha shantii Soomaaliyeed.
9. dalalka Igad oo horkacayey heshiiskii dhaliyey Dawladda cusub ee koonfurta Sudan oo dhowaan xubin sharaf siiyey Somalialnd wadadana u xaadhi karta inay Igad noqoto wadamada ugu horeeya ee aqoonsada Somaliland.
10. dalalka reer Galbeedka ee doonaya inay maalgashadaan shidaalka Geeska afrika oo aanay xisaabta ugu jirin inay dal dambe oo weyn kheyraadkiisa u soo saaraan maadaama markii uu Soviet Union burburay  ay wadamadii waaweynaa ee bariga dhexe ee ay shidaalka u soo saareen sida Ciraaq, Iran, Liibiya, Sudan iyo Aljeeriya noqdeen cududa keliya ee ka hor timid wadamada reer galbeedka.

Xuseen Yuusuf (Xuseen-Kurdi)