Tobabare Ancelotti oo rejo ka qaba inuu xilli-ciyaareedka dambe soo Xero-geliyo Carlos Tevez

SLPOST SPORTS – Tababaraha kooxda Faransiiska ka dhisan ee Paris Saint-Germain ayaa weli rejo ka qaba inuu mustaqbalka soo xero geliyo weeraryahanka kooxda Manchester City Carlos Tevez.
Kooxda uu leeyahay Ninka Carabka ah ee lacagta leh ayaa wadahadalo la yeelatay wakiilada ciyaaryahan Tevez bilowgii todobaadkan, waxaana soo dhamaaday wadahadalkoodii ka dib markii ay heshiis isku raaci waayeen. Wakiilka Tevez Kia Joorabchian ayaa xaqiijiyay inay jirto suurtogalnimada in heshiisku uu dhaco xilli-ciyaareedka soo socda, iyadoo Ancelotti uu haatan sheegay Qorshihisa ku aaddan inuu xagaaga la soo wareego weeraryahankan 27 jirka ah.
Tababaraha cusub ee kooxda PSG ayaa kalsooni ku qaba in Tevez uu ku faraxsan yahay inuu u ciyaaro kooxda, isagoo qirtay inaanay haatan ahayn xilligii la soo gebogebayn lahaa heshiiska. “Arrinta Tevez waa soo dhammaatay,” ayuu Ancelotti ku sheegay shir jaraa’id.

Waxaanu inta ku daray,“Laakiin xilli danbe waa laga yaabaa inay fursad kale jiri doonto. Mustaqbalka waa inaan la soo wareegnaa weeraryahan. Waan la hadalnay isaga waxaana uu noo sheegay inuu ku faraxsanaan lahaa inuu u ciyaaro PSG. Laakiin, markii wax heshiis ah la gaadhi waayay, kooxdu waxa ay go’aansatay inaanay haatan ahayn fursadda ugu fiican.”

SLposts News

sports@somalilandpost.net