Tix gaaban oo Jawaab u ah Gabaygii Abwaan Axmed Fartaag

Tixdan gabayga waxa tiriyey Abdihakim Mohammad Taajir, waxaanay jawaab u tahay Gabayga GAABANE ee Abwaan Axmed-Fartaag kula hadlay Wasiir Xirsi X. Cali, kuna Difaacayey Gabadha Xidhan ee ku eedaysan inay Farriin Aflagaaddo ah u dirtay Wasiirka

Tixdu waxa ay ku bilaabantay:

GabayAxmedoow gayaankay ma arag, goortan ka horowe

Gabdhuhu xishoodbay lahaayeen, geyiga Soomaali

Sow gabadhi tii gaabsatee, gunuuc lahayn maaha

Naagtaa gambada tuurtayee, gibil madoobaatay

Ee guuraha habeenkii guddee, gebiba soo meertay

Garab rarato noqotayee, gama’ mulayn wayday

Goobyaalka laafyaha hebeenkii, galac ka siinaysa

Gucle orodka seeraarka iyo, geylan dirirteeda

Gelbis iyo aroos loo tumo diidayee, gacan togaalaysay

Gogol dhaafku waa badanyahee, guri ka dheeraatay

Garacyalayna lagu sheegayee, gidaarada ku sheekaysay

Farriimaha geeridaa haday, madaxda gaadhsiisay

Xaajadaa god-raaca leh hadii, loo gabbala eego

Sida ay u kala geysantahay, way gun dheertahaye

Sow inuu gudbiyo haatan Xirsi, lama gudboonaanin

Maxaad uga gubanaysaa, gabadha edebta loo yeelay?

 

Abdihakim Mohammad Taajir

Abdihakim_m_taajir@hotmail.co.uk