Tiro Dad Ah Oo U Dhintay Cudurka Jadeecada Oo Ka Dilaacay Deegaanno Ka Tirsan Gabiley

Gabiley, (SLP)- Tiro dad ahayaa xanuunka Jadeecada ugu geeriyooday deegaanno ka tirsan gobolka Gabiley, dad badan oo kalena wuu soo ritay xanuunkaas, sida ay caddeeyeen masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ee Gabiley iyo sidoo kale Isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolkaas, kuwaasoo gurmad u galay sidii Cusbitaalka magaaladaas loo soo gaadhsiin lahaa dadka uu xanuunku soo ritay.

Duqa degmada Gabiley Maxamed-amiin Cumar Cabdi iyo Guddoomiyaha gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), ayaa Warbaahinta uga warramay deegaannada uu Xanuunku ka dillaacay, tirada dadka u dhintay iyo sidoo kale tirada dadka uu soo ritay ee u jiifa xanuunkaas. Waxaanay baaq u direen Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo ay ka dalbadeen inay gurmad deg-deg ah u fidiso dadka u dhimanaya iyo kuwa u jiifa Xanuunka Jadeecada ee ka dillaacay gobolkaas.

Haddaba, Hadallada Masuuliyiinta iyo Warbixina Warkan oo dhan waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:- 

https://youtu.be/Zje0z_vyK8s

Somalilandpost

Hargeisa Office