Tiradii Ugu Badnayd Qaxoontiga Kasoo Bara-kacaya Dalka Yemen Oo Soo Gaadhay Magaalada Berbera

Berbera, (SLP)- Magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa waxa soo gaadhay 425 qof oo ah qaxoonti ka soo baro-kacay dagaalka ka socda dalka Yemen, kuwaasoo markabkii siday uu saaka ku soo xidhay dekeda magaaladaas.

Dadkan ayaa isugu jira dad u dhashay Somaliland, Yemeniyiin iyo Itoobiyaan.Qaxoonti

Masuuliyiinta Somaliland ayaa isla saakaba qaabilay qaxoontigan, isla markaana geeyey xarun loogu talo galay oo ku taala Berbera.

Taliyaha laanta socdaalka Somaliland gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf oo warbaahinta la hadlay isagoo ku sugan Berbera ayaa sheegay in Somaliland ahaan ay soo dhaweynayaan qaxoontigan, isla markaana la eegayo caafimaadkooda. Sidoo kalena ay dhamaan u diyaar yihiin hay’addaha Somaliland ee u xil-qaatay qaxoontigan ka imanaya Yemen.

Dadkan oo isugu jira dad reer Somaliland ah, qaar hore u qaxay dalka Soomaaliya, Itoobiyaan iyo Yemeniyiin kasoo bara-kacay dagaaladaas ayuu taliyaha laanta socdaalku sheegay inay  indho-indhaynayaan wixii loo qaban lahaa, sidii loo dejin lahaa iyo weliba qofkii doonaya inuu Somaliland sii dhaafo uu u tagi lahaa meesha uu rabo.

Tiradan ayaa noqonaysa qaxoontigii ugu badnaa ee soo gaadha Somaliland, iyadoo ay saddex jeer ooh ore ay soo gaadheen qaybo ka mid ah dadka kasoo cararaya dagaalada dalkaas Yemen.Qaxoont

Todobaadkan gudihiisa ayay ahayd markii ay magaalada Berbera soo gaadhay doon siday 142 qof oo kasoo bara-kacay magaalada Mukha ee dalka Yemen, waxaanay Somaliland u diyuaarisay qaxoontigan xarun ay ku nastaan, isla markaana lagu daryeelo.

Somalilandpost.net