Tiradii Ugu Badnayd Qaxoonti Soomaali Ah Oo Yemen Kasoo Cararay Oo Soo Gaadhay Berbera

Berbera, (SLpost)- Dekedda magaalada Berbera waxa shalay duhurkii ku soo xidhay markab sida 1238 qof oo ah qaxoonti Soomaali ah, oo ka soo cararay dagaallada iyo duqeynta diyaaradaha ee maalmahan dambe ka socda dalka Yemen.

Maareeyaha guud ee dekeda Berbera Eng. Cali Xoorxoor iyo masuuliyiin kale oo reer Somaliland ah ayaa dadkan qaxoontiga ah ku qaabilay dekedda.

Wuxuu warbaahinta u sheegay in xilligan oo kuleyl ah ay u fidiyeen dadkaasi markii ay soo dejiyeen adeegyadii ay u baahnaayeen.

Dadkan qaxoontiga ahi waxay u badan yihiin dadkii Soomaalida ahaa ee ku jiray xeryaha qaxoontiga ee dalka Yemen. Waxaa la dejiyay xarun ay ku nastaan saddex maalmood magaalada Berbera kadibna waxay u kala ambabaxayaan gobollada koonfurta Soomaaliya.

Maareeyaha guud ee Dekedda Berbera wuxuu sheegay, in ilaa iyo intii uu bilaabmay dagaalka dalka Yemen bishii April ee sanadkan 2015, ay dekedda Berbera soo gaadheen dad qaxoonti ah oo gaadhaya ilaa sagaal kun oo qof oo isugu jira Soomaali iyo Yemen.