Tirada Tahriibayaal Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira oo Dooni kula degtay Xeebaha Yemen

Sanca (SLpost)- Ugu yaraan 50 qof oo Tahriibayaal ah oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan, ayaa lagu soo warramayaa inay geeriyoodeen, ka dib markii Doon yar oo ay ku safrayeen kula degtey Biyaha Xeebaha Galbeed ee dalka Yemen.

tahriibayaalLama oga xilliga ay dadkaasi Doontii ay la socdeen Badda ku degtay, hase-yeeshee Meydadka ayaa illaa Jimcihii lasoo dhaafay kasoo caaryayey Xeebta, waxaana lagu aasay meel u dhow degmada Zoubab ee galbeedka dalka Yemen.

Masuul aan la magacaabin oo ka tirsan dowladda Yemen, ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Maraykanka ee AP, in isla toddobaadkan ay dalka Yemen gaadhey Doon kale oo ay 45 qof oo Tahriibayaal ahi saarnaayeen, dadkaas oo dhammaantood ay Ciidamada Boolisku dalkaasi gacanta ku dhigeen sida uu Masuulkaasi sheegay.

Tahriibayaal Afrikaan ah una badan Soomaali iyo Itoobiyaan oo ka cararaya faqriga iyo xasillooni-darrada waddammadooda ka jira, ayaa sannad walba gaadha Xeebaha Koonfureed ee dalka Yemen, iyaga oo ka dibna u ruuqaansada dhinaca Woqooyiga, si ay ugu sii tallaabaan Sucuudiga oo Yemen ay xuduud dheer wadaagaan.

Hay’adda caalamiga ah ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha qaxoontiga ee UNHCR, ayaa sheegtay in sannadkii 2012 oo keliya ay dalka Yemen gaadheen 84,000 (siddeetan iyo afar kun) oo Tahriibayaal Afrikaana ah, dadkaas oo badankoodu nolol dhaanta midda ay dalalkooda ku haystaan ka raadsanayey dalka Sucuudiga iyo waddamamda kale ee Khaliijka Carabta.

 

SOMALILANDPOST.NET