Tirada Tahriibayaal Ajaanib ah oo lagu qabtay magaalada Saylac iyo Maamulka gobolka oo ka hadlay

Saylac, 30 March, 2012 (SLpost)- Maamulka Gobolka Selal ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen 54 tahriibayaal oo ku socday inay ka tahriibaan  Xeebaha Gobolkaasi ka dib markii ay ka war heleen dhaq-dhaqaaqooda.

Badhasaab Ku xigeenka Gobolka Salal Cali Allaale Riyaalle ayaa warbaahinta u warramay ayaa sheegay  inay xalay cawayskii magaaladda Saylac ee xarunta Gobolka Salal ku qabteen 54 qof oo tahriibeyaal ah kuwaasi oo doonayay inay sifo sharci darro ah uga tahriibaan biyaha xeebta Saylac.

Badhasaab ku xigeenka waxa uu sheegay in tahriibeyaashaasi ay iskugu jireen rag iyo dumar dhalinyaro ah oo lagu hayo Saldhiga Booliska ee Degmada Saylac isla markaana ay dhalasho ahaan ka soo jeedeen Qoomiyada Oromada ee degta dalka aynu dersika nahay ee Itoobiya, waxaanu Badhasaab ku xigeenku intaas ku daray In Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Hay’adaha Amaanka ay kala tashanayaan sidii dadkaas dib loogu celin lahaa dalkoodii.

Cali Allaale Riyaale wuxuu intaas raaciyay  inay talaabo adag ka qaadi doonaan ciddii lagu qabto inay ka tahriibaan xeebta Gobolka Salal.

Sidoo kale, Taliyaha Saldhiga Booliska Saylac Keyse Suudi Caraale ayaa dhiniciisa ka cadeeyay in tahriibeyaashan ay xaalladda Caafimaadkoodu fiican tahay, waxaanu xusay inay sidoo kale gacanta ku hayaan Gaadhi ay  Tahriibayaashani ka soo raaceen Magaalada Boorama.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net