Tirada Muhaajiriinta Yurub Tahriib Ku Galay Oo Aad Sare Ugu Kacay

 

EU(SLpost)-Tirada dadka soo galootiga ah ee ku qulqulaya qaaradda Yurub ayaa illaa Bishii July sare u kacay, waxayna gaadhay 170 kun oo qof oo jidad qaldan ku galay Yurub.

 

In kabadan 40 kun oo qof ayaa bishii June halkaasi gaadhay, taas oo ka badan tirooyiinkii horey loo diiwaan geliyay.

Laanta koontorollada xuduudaha midowga Yurub ayaa sheegtay in xaalad degdeg ah ay arrintan tahay, waxayna ku baaqday in si dhaqso ah loo caawiyo dalalka safafka hore ku yaalla, sida Giriigga, Taliyaaniga iyo Hungary.

Jarmalka oo tirada ugu badan ee dadkaasi qaabishay ayaa waxaa sare u kacay dadka ay sanadkan oo keli ah megengelyada siisay, taas oo gaadhay 750 kun oo qof.

Dadka ugu badan ee tahriibaya oo ka kala tagay, Suuriya, Afghanistan iyo dalalka Afrika ee Saxaaraha ka hooseeya waxay ka cararayaan faqri ama nabad la’aanta..