Tirada Maleeshiyaad ka soo Goostay Maamul goboleedka Puntland oo Isu-soo dhiibay Ciidanka Qaranka

 

Boocame (SLpost)- Malleeshiyaad ka tirsanaa maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya iyo gaadiid tikniko ah oo ay wataan, ayaa maanta isu-soo-dhiibay Ciidanka Qaranka Somaliland.

Tiro ku dhow 70 askari oo ku gaashaaman Laba Baabuur oo Tikniko ah, ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Qaranka ee ku sugan fadhiisimada deegaanka Boocane ee gobolka Sool.

Maleeshiyaadka ka soo goostay Ciidanka Puntland waxa si diiran u qaabilay Maayarka degmada Boocane Faarax Cali Maxamed iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka ee fadhiisinkoodu yahay degmada Boocane.

Sarkaalka hoggaamiyey maleeshiyadka oo la yidhaahdo Gaashaanle Cabdixakiin Yaasiin Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay garwaaqsadeen in dalkoodu yahay Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana ay ka soo goosteen Maleeshiyada Puntland oo uu sheegay inay Caddaalad darro ba’an iyo reernimo ku hayeen. Waxaanu tilmaamay inay ku faraxsan yihiin in lagu soo dhaweeyo deegaankoodii islamarkaana ay ka mid noqdaan ciidammada qaranka.

Maayarka degmada Boocane ee gobolka Sool, Faarax Cali Maxamed ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan ciidanka ka soo goostay Puntland oo uu xusay in u dhasheen Jamhuuriyadda Somaliland kana soo jeedaan deegaanka Boocane, waxaanu tilmaamay inuu ciidankaas uga mahad celinayo inay garteen inay u soo hiloobeen dalkoodii isla markaana ay diyaar u yihiin inay wax la qabsadaan walaalahooda Somaliland.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Qaranka ee Boocane, Axmed Jaamac Cartan ayaa sheegay inay si niyadsami ah u soo dhaweynayaan ciidammadaas ka soo goostay Puntland oo uu ku tilmaamay kuwo ku baraarugay xaqiiqda isla markaana xuquuqdooda ka heli doona ciidammada Somaliland.

Somalilandpost.net