Tirada Dadweynaha Adduunka oo markii ugu horreysay Gaadhay tiradii Ugu Sarraysay

Hargeysa, (SLpost)- Warbixin ay shaacisay Qaramada Midoobay  ayaa lagu sheegay in tirade shacbi-weynaha adduunku uu gaadhayo 7 bilyan maalmaha soo socda.

Xogtan ay Qaramada Midoobay ayaa ku soo beegantay wakhti haatan laga joogo 12 sanno oo tirada dadweynaha adduunka lagu sheegay 6 bilyan, iyada oo qiyaasaha la hayaa sheegayaan in sannadka 2025 ay kuu biiri doonaan tiro lagu qiyaasay siddeed bilyan iyo sidoo kale la qiyaasay  in dhammaadka qarnigan ay tirada dadka ay ku biiri doonto tiro lagu qiyaasay toban bilyan.

Qiyaasta tirada dadka ayaa laga qiyaas qaatay carruurta ku dhalanaysa gobolka Asia-Pacific oo korodhka dadweynuhu kaga badan yahay Caalamka intiisa kale.

In kasta oo korodhka dadweynaha ku nool waddamada Warshadaha horumaray uu deggen yahay, haddana korodhka la saadaalinayo mustaqbalka waxa laga rejaynayaa inuu ka yimaaddo dadka ku nool dalalka soo koraya.

2.3 bilyan ee Qaramada Midoobay rumaysan tahay inay biiri doonto tirade dadka sannadka 2050, in ka badan hal bilyan waxay laga filayaa dadka ku nool dalalka ka hooseeya Saxaaraha Afrika, halka qaarad-yaraha Hindiya ay kuu biiri doonaan 630 milyan oo qof.

Marka la eego dhanka waddamada Horumaray, dadka da’da ah ayaa hakin doona dhibaatada laga filayo korodhka dadka, sida Japan oo kale.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net