Tirada Dadka laga Helay Cudurka Covid-19 ee Somalia oo Korodhay iyo Warbixintii u dambaysay Xaaladda Xannuunka

 

Muqdisho (SLpost)- Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, ayaa sheegtay inay korodhay Tirada Dadka laga helay Xanuunka Covid-19 iyo inta u dhimatay-ba, waxaana 24kii saac ee u dambeeyey laga helay 46 Qof.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Foosiya Abiikar Nuur oo natiijada warbixinta maalinlaha ah ee xannuunka shaacisay maanta, ayaa sheegtay in Tirada guud ee Dadka Cudurka laga helay marayso Soomaaliya 436 qof.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, waxa ay sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay 5 qof cudurka ugu geeriyoodeen dalkaas, taasi oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 23 ruux.

Fowzia ayaa sidoo kale shaacisay in 46 xaaladood oo cusub oo cudurka ah ay soo kordheen kadib baadhitaanno lagu sameeyay dad badan oo lagu arkay astaamaha Cudurka. Shan kamid ah xaaladaha cusub waxaa laga diiwaan geliyay deegaannada dowlad goboleedka Puntland, 41-ka kale waxay ku suganyihiin magaalada Muqdisho.

Dadkan cusub ee cudurka laga helay ayaa 33 kamid ah lab yihiin, halka 13 qofood oo ka mid ah bukaannada cusub ay yihiin haween. Tirada guud ee dadka ka bogsaday xannuunka ayaa hadda maraysa 10 qof.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net