Tirada Dadka Ku Naf-waayey Khasaarihii Ka Dhashay Duufaantii ku Dhufatay Xeebaha Puntland oo isa soo taraya

Garoowe (SLpost)- Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa daboolka ka qaaday sida ay uga werwarsan yihiin in khasaarihii ka soo gaadhay Duufaantii ku habsatay deegaamada ku teedsan xeebaha gobolkaas ay ka badan tahay inta la ogyahay.

Qoraal maamul-goboleedkaasi ugu talo-galay warbaahinta, ayaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin in dadkii ku dhintay duufaantii xoogganayd ee maalmihii la soo dhufatay qaar ka mid ah deegaannada xeebta ku yaalla ee Puntland ay gaadhaan 3OO  oo qof.

puntland“Waxaa socda hawlo loogu gurmayo dadka ku sugan goobihii ay duufaantu ku dhufatay, waxaan laga baqdin qabaa in dadka ku dhintay gaadhaan 300-qof, kumannaan xoolo ah ayaana duufaantaas lagu waayay,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Puntland.
In kasta oo aan tiro-koob rasmi ah laga heynin dadkii ku dhintay duufaantaas, haddana hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa warbxin ay soo saartay maanta ku sheegtay in duufaanta roobabka iyo dabeylaha wadatay ay ahayd mid aad u xooggan.

“Baabuurta gargaarka wada ma gaadhi karaan goobaha ay duufaantu sida xooggan ugu dhufatay, waayo waddooyinkii oo dhan ayaa burburay, taas waa dhibaato sababi karta in dib u dhac uu ku yimaado gargaar deg-deg ah oo lala gaadho,” ayaa lagu yidhi warxsaxaafadeedka ay Puntland soo saartay.

Sarkaal ka tirsan hay’adda FOA oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay jiraan roobab weli ka da’aya deegaamo ka tirsan maamulka Puntland. “Burbur xooggan ayay duufaantu geysatay, welina goobaha qaarkood waxaa ka da’aya roobab aan badnayn,” ayuu yidhi Xuseen Gadayn oo hay’adda FAO ka tirsan.

puntland2Sidoo kale, kalluumeysato fara badan oo ka jillaaban jiray badweynta India ayaa maqan, kuwaasi oo laga baqdin qabo inay dhibteen, iyadoo duufaantu ay burburisay deegaanno, guryo, dhismayaal iyo doonyo, sida lagu sheegay warbixinta ay soo saartay FAO.
Punland ayaa sheegay in dhibaatooyin badan ay geysteen duufaantii qaybo ka mid ah deegaannada ay maamulaan ku dhufatay, iyadoo madaxweyne C/raxmaan Faroole uu sheegay inay magacaabeen guddi si dhaqso ah ugu gurmada dadkaas, isagoo baaq u diray hay’adaha samafalka.

Goobaha ay duufaantu burburisay waxaa ka mid ah buundo weyn oo isku xidhi jirtay magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso, taas oo uu dib u dhagax-dhigay dhismaheeda maanta madaxweynaha Puntland.

Duufaantan ayaa noqonaysa tii ugu xumayd ee Puntland ku dhufata tan iyo sannadkii 2004 oo ay deegaanno badan oo Somalia ka tirsan ay waxyeello gaadhay Dhul-gariirkii loogu magac-daray Tsunami oo ka dhacday Badda Hoosteeda, gaar ahaan Badweynta Hindiya.

SOMALILANDPOST.NET