Tirada Dad Loo Haysto Weerarkii Jaamacadda Gaarrisa Oo Maxkamad Nairobi Ku Taalla Lasoo Taagay

Nairobi, (SLpost)- Maxakamad ku taalla magaalada Nairobi ayaa maanta la soo taagay shan qof oo lagu eedaynayo inay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday Jaamacada Gaarisa bishii la soo dhaafay ee Aprilmaxkamadeyn.

shantan nin ayaa afar ka mid ahi waxay haystaan dhalasha dalka Kenya halka mid kalena uu ka soo jeedo dalka ay deriska Yihiin ee Tanzania.
Eedaysanayashan ayaa diiday guud ahaan dembiyada loo haysto.
Garsooraha Maxakamadda ayaa sheegay in eedaysanayaashan loo haysto dembiyo ay ka mid yihiin inay soo abaabuleen weerarkii Gaarrisa iyo weliba dembiyo dhowr ah oo kale.
waa markii ugu horeysay oo Maxakamad la soo taago dad lagu eedaynayo weerarkii Gaarisa oo ay ku dhinteen ugu yaraan 148 qof oo arday u badan.