Tirada Dad Ku Dhintay Mudaharaad Lagaga Soo Horjeedo Madaxweynaha Burundi

Bujumbura, (SLP)- Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay dalka Burundi, ka dib isku dhacyo dhexmaray dad mudaharaadayay oo kasoo horjeeday madaxweynaha dalkaas oo doonaya markii saddexaad in dib loo doorto iyo ciidamada ammaanka.Burundi

Saddex qof ayaa ku dhintay, ka dib markii ay dileen ciidamada boolisku axaddii shalay, halka saddex kalena ay dhaawac soo gaadhay u dhinteen. Sida uu u sheegay wakaaladda wararaka ee AP qof goob-jooge ah oo ku sugan Bujumbura, caasimadda dalka Burundi.

Sidoo kale waxa isku dhacaas ku dhaawacmay todobo qof oo kale.

Mudaharaadkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii xisbigada talada hayaa u doortay madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza inuu markii saddexaad isku soo taago doorashada dalkaas, taasoo dad badan ka cadheysiisay, iyagoo ku dooddaya inay sharci-darro tahay.

Mudaharaadkan oo bilaabmay shalay axaddii ayaa sii kordhay maanta oo Isniin ah, waxaanay xukuumadda Bujumbura u adeegsatay miletari, si ay xoog ugu kala kaxeyso dadkaas.