Tirada Baabuur goob laga wada xaday, Mid Shil galay oo laga baxsaday & Booliska Hargeysa oo Baadi-goobaya

baabuurHargeysa (SLpost)- Saddex Gaadhi oo nooca yar-yar ee Raaxada ah, ayaa Xalay lagu xaday Huteel Crawn ee magaalada Hargeysa oo ay Kooxda Fannaaniinta Xiddigaha Geesku isla xalay ku qabteen Bandhig-Faneed maalmihii u dambaysay la sii xayaysiinayey oo ku dhawaad laba kun oo qof isu diyaariyeen ka qaybgalkiisa.

Saddexda Gaadhi ee laga xaday Huteelka Crawn Baarkinkiisa dibedda ee Baabuurta la dhigto, waxaa ka mid ahaa Gaadhi uu watay Abwaan Cabdiweli Saxardiid Xirsi oo ka tirsan Abwaannada Kooxda Xiddigaha Geeska, sida uu Aftahannes u xaqiijiyey Abwaan Cabdiweli laftiisu. Waxaanu Abwaanku xusay in labada Gaadhi ee kale ahaayeen nooca Indha-caddayaasha loo yaqaanno (Toyota Mark II).

Gaadhigan Abwaanku watay, ayuu Aftahannews u sheegay in noociisu ahaa nooca yar-yar ee raaxada ee loo yaqaanno Crawn-ka, midabkiisuna Caddaan ahaa, kaasoo Lambarkiisu ahaa SL27656, ayaa Cawayskii xalay abbaaro siddeeddii markaas oo uu qaar ka mid ah Qalabka wax lagu tumayey ee Kooxdu Bandhig-faneedkooda u adeegsanayeen gaadhigaan Abwaanku uu ku geeyey Huteelka Bandhigga lagu qabanayey ee Crawn, sida uu Aftahannews u xaqiijiyey Abwaan Cabdiweli Saxardiid.

Cabdiweli Saxardiid waxa uu sheegay in Saacado badan oo xalay ah, baadi-goobka Baabuurkaas lagu jiray, isla markaana markii la waayey ka dib-ba lagu war-geliyey Ciidammada Ammaanka ee Booliska iyo Ciidammada Nabadgelyada Waddooyinka ee Taraafikada loo yaqaanno inay qabtaan gaadhiga Lambarkaas kor ku xusan leh oo la xaday.

Laguma guulaysan in saacadihii hore ee xalay oo dhan la helo Gaadhigaas, hase-yeeshee, abbaaro saddexdii habeennimo ee Saacadda Hargeysa ama geeska Afrika markii ay ku dhawayd ee xalay, ayaa Gaadhigaas Dad Shacab ahi soo sheegeen inuu Shil Gaadhi ku galay Is-goyska ama Gooladda Xaafadda Jig-jiga-yar oo ka tirsan Degmada Kood-buur ee magaalada Hargeysa.

Abwaan Cabdiweli Saxardiid oo dhacdadan qabsatay ka warramayey, waxa uu yidhi; “Gaadhigaas Migsar baan ku geeyey Huteelka Crawn oo Kooxda Xiddigaha Geesku ay ku qabanayeen Bandhig-faneed (Shaw), halkaas oo markii aan qalabka ka dejiyey ee aan is-idhi ku noqo gaadhi aan waayey soona noqday gaadhigii oo halkii aan dhigay oollin, markaan ka degayna aan sii wada qufulay furahana Jeebka ku qaatay, waan yaabay oo arrin cajiib ah bay igu noqotay, ma filayn Gaadhigaad qufushay ee Huteelka halka laga galayo dhigtay baa la xadi.”

“Markii aan xaqiiqsannay in gaadhiga la xaday, waxaan ku wargelinnay Ciidammada Ammaanka iyo kuwa nabadgelyada waddooyinka. Saacado badan baannu ku wareernay daydaygiisa, laakiin saddexdii wakhti ay ku dhawdahay baa Niman arkeen gaadhiga oo Shil ku galay Gooladda Jigjiga-yar oo Duqeeyey gaadhi kale, niman watayna ay iskaga carareen markii ay duqadda galeen, waxaanay Nimanka arkay la hadleen Booliska, Booliskuna Askar bay u direen, waxaana la keenay Saldhigga dhexe ee Booliska ee badhtamaha Suuqa Hargeysa, halkaas oo uu yaallo isagoo duqadi ku taallo oo Turkuska iyo dhinacyadu burbureen.” Sidaa ayuu yidhi Abwaan Cabdiweli Saxardiid oo khadka taleefanka ugu warramay Tifaftiraha Aftahannews Cabdifataax I. Mursal.

Abwaan Cabdiweli Saxardiid waxa uu sheegay in Baabuurta xalay ahaan laga xaday Huteelka Crawn ee magaalada Hargeysa keliya kiisa ahayn ee laba Baabuur oo kalena la xaday, waxaanu yidhi; “Gaadhiga marka hore waxaan dhigay Baarkinka Baabuurta la dhigo ee Huteelka dibeddiisa oo Gawaadhida oo dhan la dhiganayey, waxa la xadayna gaadhigayga oo keliya maaha ee laba Gaadhi oo kale ayaa iyagana isla caawa (xalay) la xaday, kuwaasoo aan labadii kale lahaynin weli. Markaa, wixii doonaa haka jabaane waa ALLAAH mahaddii kol haddii la helay.”

Waxaanu Abwaan Saxardiid intaas ku sii ladhay oo uu yidhi; “Waxaanay Booliska Saldhigga dhexe igu yidhaahdeen Gaadhiga waannu haynaynaa, waxaana lagaaga baahan yahay inaad Berri (Sabtida Maanta) soo caddayso inaad gaadhiga adigu lahayd iyo inaad wadatay markii la xaday, markaa Subaxa ayaannu ballansannahay haddii ALLAAH yidhaahdo.”

“Waxaan kuu sheegayaa Aniga Gaadhigayga Nimanka xaday Shilka ay galeen dartii ayuun bay uga baxsadeen oo kaga tageen. Laakiin, labadii Gaadhi ee kale oo ahaa Nooca Indha-caddayaasha loo yaqaanno markaan Saldhigga ka imi lama hayn oo cidda xadday way la baxsadeen meel ay la tageen Allaah ayuun baa og, laakiin innamadii watay iyo Booliskuba iyagoo daydayaya oo aan weli hayn baa iigu dambaysay.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiweli Saxardiid Xirsi oo u warramay Aftahannews.

Inkasta oo aannu isku daynay inaannu arrintan wax ka weydiinno Ciidammada Booliska Somaliland ee magaalada Hargeysa, haddana noomay suuragelin inaannu helno wakhtiga oo xilli dambe oo waabberiya ahaa dartii.

Maaha markii ugu horreysay ee Gaadhi Baarkin qaybaha magaalada Hargeysa ka mid ah la dhigay sidan oo kale loo xado, hase-yeeshee, marar kala duwan oo hore, ayaa Suuqyada Caasimadda Hargeysa laga xaday Baabuur Baarkin inta la dhigay laga degay, kuwaasoo laba sano ka hor tuugadoodu aad ugu soo badatay magaalada, isla markaana inta badan lagu guulaystay inay Ciidammada Ammaanku gacanta ku soo dhigaan dhawr gaadhi oo la xaday iyagoo bad-qaba, halka qaar kalena la ogaaday in Geerashyo la geeyey, ka dibna inta la furfuray Iskaraab ahaan ama isbeer-baadh ahaan loo iibiyey. Balse, waxa cusub in hal habeen isku hal Huteel laga wada xado saddex Gaadhi.

XIGASHO: AftahanNews