Tilmaamaha Aqoonsiga Iyo Arrimaha Ku Xeeran – W/Q: Axmed Yusuf Dirir

Cabdi Dirir

(Qore: Axmed Yuusuf Dirir, Maareeyihii hore ee Dekedda Berbera)

Aqoonsi (Recognition)

Somaliland oo hore u ahayd maxmiyad boqortooyadii Ingiriiska intii ka horaysay 26 june 1960, markaas oo ay xoriyadeeda ka qaadatay gumaystihii gacnta ku hayay maamulkeeda mudo ku dhow 80 sanadood. Laakiin 1st July 1960kii oo ahyd Shan maalmood ka dib xoriyadeedii ayaa waxay si shuruud la, aan ah ugu biirtay koonfurtii Somalia oo maalintaas xoriyad dhamays tiran ka qaadatay gumaystihii Talyaaniga. 18kii bishii May sanadkii 1991 ayaa dagaal naf iyo maal badan galaaftay ka dib Somaliland xoriyadeedii dib ula Soo noqotay, magaalada Burcona lagaga dhawaaqay Jamhuuriyada Somaliland. Hadaba iyadoo Somaliland hada 21 sano jirsatay ayaanay weli bulshada caalamka ka helin aqoonsi siyaasadeed, oo ay kaga mid noqonayso bulshada caalamka.

Hadaba inagoo sifaahfaahsan uga hadli doona macnaha aqoonsi iyo arimo badan oo la xidhiidha, kaas oo inta badan aan dadweynaha Somaliland ka haysan fakir dhamays tiran macnaha eraygan iyo duruufaha ku xeeran hirgelintiisa. Somaliland waxa ay hada madaxa ka goysay 21 sanadood oo madax banaani ah, tiradan sanadaha ahi waxa ay taariikh isbedel ku leedahay soo jireenka siyaasadeed ee dalkii laysku odhan jiray Soomaalia, Tusaale ahaan Seyid Maxamed Cabdalla Xasan iyo daraawiishtiisu waxay dagaal kula jirtay dawladii Ingiriiska mudo 21 (1900-1921) sanadood ah ka dibna si dhamaystiran ayaa loosoo af jaray dagaalkoodii iyadoo la baabi, iyay dhamaan jiritaankii daraawiishta. Sanadku markuu ahaa 1939 waxaa dunida ka bilaabmay dagaalkii labaad ee dunida kaas oo saamayn weyn ku yeeshay dhamaan daafaha dunida. Somaliland waxaa ku hirdamay labadii gumaysi ee Talyaaniga iyo Ingiriiska, taas oo nolosha dadweynaha ku keentay dhibaato riiqdheeraatay, iyadoo mudo lix bilood ah taladii Somaliland laga faramaroojiyay boqortooyadii Ingiriiska ee qaybta u heshay maamulkooda. Hadaba 21 sanadood ka dib Somaliland waxaa si farxad leh looga soo dhaweeyay calankii ugu horeeyay ee laga taago dhul Soomaaliyeed oo madax banaan. 1969 waxaa dhulkii Somaliya afgembi milateri ku qabsaday taliskii milateriga ahaa ee uu hogaaminaayay Maxamed Siyaad Bare, taas oo qaadatay in mudo 21 sanadood oo dhib badan lasoo maray ka dib xukunkii laga tuuray taliskaas milateriga ahaa.

Hadaba sida ku cad saadaashaas taariikheed, Somaliland waxa ay maraysaa mudo 21 sanadood ah oo la fili karo isbedel siyaasadeed oo xoog leh, kaas oo noqon kara mid lagu farxo iyo mid aan lagu farxin labadaba, balse is bedel ayaa albaabka garaacaya,  isbedelka ka guuxaya laabaha muwaadiniinta waa in la helo aqoonsi caalamiya kaas oo mudo la naawilayay, wax kasta oo lidkiis ahina waxa ay hal bacaad lagu lisay ka dhigayaan nafihii iyo maalkii ku burburay xaqiijinta madax banaanida aynu manta ku naaloonayno.

Hadaynu dib ugu soo noqono ujeedada qoraalkeenan oo aynu ugu talo galnay fahamka macnaha aqoonsi iyo xaaladaha uu maro. Inagoo ku bilaabayna macnaha aqoonsi looga jeedo, markastana ka duulayna shuruucda caalamaiga ah iyo danaha siyaasadeed ee ee aanay xidhin qawaaniinta caalamiga ah.

Aqoonsi (Recognition): Sida lawada ogsoonyahay bilogwii qarnigii 20aad waxaa ka jiray dunida tiro aan ka badnay 50 wadan, dagaalkii labaad hortii yarna wadamada dunida laga aqoonsanyahay waxay gaadheen 75 wadan, balse sanadkii 2005 wadamada dunida waxay madaxa la galeen 200 oo dawladood. Isbedeladaa abuuritaanka wadamada cusubi waxa uu muhiim ka dhigay erayga aqoonsi oo aan hore macna buuran ku fadhiyi jirin. Macnaha ugu muhiimsan ee kelmadan lagu macneeyaa waxa uu yahay “ Habka dawlad ama wadan hore u jiray uu ku qaabilo wadan cusub oo ku soo biiray bulshada caalamka, iyadoo loola dhaqmaayo shaqsiyad qaanuuni ah (personal entity) oo laga ogolyahay sharciga aduunka” (The Recognition of States T.D. Grant 1999)

Sidaa aynu kor ku sheegnay erayga aqoonsi waxa uu caan ka noqoday qawaaniinta caalamiga ah oo si joogta ah loogusoo celceliyay isticimaalkiisa. Aqoonsiga la aqoonsado wadan cusub maaha oo keliya inuu buuxiyay shuruudo looga baahnaa, laakiin waxaa la socda in la aqoonsday xidhiidkiisa caalamali iyo dhawrsoonaanta iyo sharafta wadankaas (Prestige Immunity). Sidaa daraadeed waxaa jira aragti odhanaysa aqoonsigu kuma xidhna shuruudo sharci balse waxa uu salka ku hayaa arimo ku dhisan dano siyaasadeed siyaasadeed. Runtii, tani waa xaqiiq waqici ah maxaa yeelay wadanka wax aqoonsanayaa waxa uu is barbardhigayaa faa,iidada iyo khashaaraha ugu jira wadankaas uu aqoonsanayo isgoo aan u eegin arimo sharci.

Aqoonsiga Wadamada (Recognition of Sates): Marka la eego shuruucda caalamiga ah waxaa jira laba aragtiyood oo lagu dabakho aqoonsiga la siinayo wadan cusub, labadaas aragtiyood waxay laka yihiin:

1. Aqoonsiga ogolaanshaha (Constitutive Recognition): Aragtidani waxa ay qabtaa in aan wadana jiri karin ilaa uu aqoonsi caalami ah ka helo bulshada aduunka. Marka aragtidan la eego wadankasta oo cusubi waa in uu ogolaansho aqoonsi ka helo wadan hore u sii jiray, laga bilaabo wakhtigaasna wadanka cusubi waxa uu yeelanayaa xuquuq iyo waajibaad caalami ah (Rights and duties).

2. Aqoonsiga Jihaysan ah (Directive Recognition): Aragtidani waxa ay qabtaa in wadan abuurmi karo isagoo aan ogolaansho uga baahnayn wadan kale. Aragtidani haba yaraatee kuma xidhna wax siyaasad ah balse waxa ay ku salaysantahay dabaqida sharciga caalamiga ah ee loo yaqaan Montevideo Convention qodobkiisa sadexaad ee sanadkii 1933, kaas oo dhigaya sedan, “Aqoonsiga siyaasadeed ee wadan waa uu ka madax banaanyahay wadamada kale

Ilaa mudadii uu aqoonsigu ku sal yeeshay dhinaca siyaasada, wadamada aqoonsi raadiska ahi si ay u gaadhaan danahooda siyaasadeed waxay door bidaan inay is dhex wadaan labadan aragtiyood, ayagoo midiba marka ay haboontahay adeegsada ama dantoodu ku jirto ayay adeegsadaan. Marka aan laga eegin dhinaca siyaasada, waxaa jira shuruudo qayaxan oo sharciga caalamiga ahi ku xidhaayo jiritaanka wadan (Montevideo Convention Art.1), sharcigani waxa uu dhigayaa in wadan loo aqoonsanayo inuu jiro hadii laga helo afartan shuruudood:

  1. Dad si joogto ah u degan dhulkaas (A permanent Population)
  2. Dhul degaan oo qeexan (Defined Territory)
  3. Xukuumad (Government)
  4. Awood xidhiidh lagula samayn karo wadanada kale (Capacity to enter into relations with the other states)

Aqoonsi Dawladeed (Government Recognition): Waxaa faraq u dhexeeyaa aqoonsiga dawladeed iyo aqoonsiga wadan. Waxaa dhacda iyadoo wadanka la aqoonsanyahay in aan ahadana la aqoonsan jiritaanka xukuumada ka talisa. Tani inta badan waxa ay timaadaa marka wadan jiray uu ka dhaco afgembi ama ku shubasho doorasho, taas oo wadamada kale ka hor yimaadaan inay aqoonsadaan xukuumada ku timi sifada noocaas ah. Balse si loo ilaaliyo xasiloonida iyo kala dambaynta wadankaa inta badan aqoonsiga xukuumada ku timaada si baal marsan dastuurka wadankaas, waxaa shuruud looga dhigaa in ay aqbalaan shacabka wadankaas ku dhaqani.

Aqoonsi hordhac ah (Premature recognition): Maadaama siyaasadu saamayn weyn ku yeelatay hanaanka aqoonsiga dunida, wadamada qaar ayaa ayagoo fulinaya danahooda siyaasadeed ee ay ka leeyihiin wadankaas cusub oo inta badan ka go,ay ama ay kala go,een wadan hore u jiray, waxa ay aqoonsadaan iyadoo aan wadankaasi aanu dhamays tiring shuruudihii looga baahnaa sharci ahaan. Dunidan casriga ah waxaa tusaale inoogu ah Bosnia-Herzegovina iyo Croatia, wadamadani waxa ay aqoonsi caalami ah heleen ayagoo aan si buuxda u xukumin dalalkooda. 

Aqoonsi Dahsoon (Implied Recognition): Caadi ahaan aqoonsigu waxa uu noqonkaraa mid si cad loogu dhawaaqo ama mid usoo baxa si aan cadayn (Expressed or implied). Hadaba si loo fahme habka wadan uu wadan cusub ugu aqoonsado si aan caday waxaa muhiim ah in la arko xaaladahan soosocda

  1. In xidhiidh diblomaasiyadeed uu dhexmaro labada wadan (Diplomatic relation)
  2. In ay magaca labada wadan ku kala saxeexdaan cahdi laba geesood ha (bilateral treaty)
  3. In wadanka cusub si toosa loogu hambalyeeyo madaxbanaanidiisa (An official congratulation message to a new State for obtaining sovereignty).
  4. In maxkamad wadan ku taal ka garnaqdo calaamad wadanka cusub u gaara, go,aamisona in wadankaasi leeyahay astaantaas, (Tusaale ahaan hadii cid kale samaysto calanka Somaliland ka dibna maxkamad wadan go,aamiso in calankaasi ay Somaliland leedahay, taasi waxa ay muujinaysaa aqoonsi dahsoon

 Aqoosi waaqici ah (De facto Recognition): Aqoonsiga noocan ah waxaa la sameeyaa, marka wadan yeesho awood siyaasadeed iyo mid maamulba balse sharci ahaan aanu buuxin shuruudihii loo baahnaa. Waxaa suurto gala in maamulkaas habkan loo aqoonsaday uu lumiyo sababihii loo aqoonsaday, taas oo keenaysa in aqoonsigiina halkaa ku joogsado. Inta badan marka aqoonsigan la sameeyo waxa uu u gudbaa aqoonsi sharci (De jure recognition)

Aqoonsi Shaci (De jure Recognition):  Aqoonsiga noocani waa ka ku salaysan dhinaca sharciga, wadamaduna marka ay kasoo gudbaan aqoonsiga loo yaqaan de facto waxay u gudbi karaan aqoonsiga noocan ah (de jure recognition). Inta badan marka dawlada wax aqoonsanaysa danteeda siyaasadeed, nabadgelyo ama dhaqaale ku xidhantahay aqoonsiga wadaankaas cusub waxa ay si toosa u u aqoonsataa wadankaas iyadoo aan u eegin buuxinta shuruucdii looga baahnaa wadannimadiisa. Qoraalkani waxa uu ku tusayaa dawlada Maraykana oo aqoonsi siisay Israel.

Dawlad Cusub yaa aqoonsada?: Inta badan markaad dhegaysato doodaha dhexmara daweynaha Somaliland, waxay jimciyada quruumaha ka dhexaysa ku eeadynaya aqoonsi la,aanta Somaliland, halka kuwo kalena ku eedaynayaa Midowga Afrika ama wadamada Carabta. Mararka qaarna waxaad arkaysaa masuuliyiin la warysanayo oo meelo kale u dacaal saaraya aqoonsiga Somaliland. Hadaba waxaynu halkan ku iftiiminaynaa aqoonsiga iyo meelaha uu ehelka u yahay.

Mabda guud waxa uu ku salaysanyahay “wadan cusub waxaa aqoonsan kara wadan hore usii jiray”, waxaa dhici karta in aduunka wadamo ka midi aqoonsadaan wadan cusub, taasna macnaheedu maaha aduunka oo dhan ayaa wadankaaas laga aqoonsaday, balse wadan kastaa marka uu aqoonsiga siiyo wadankaas cusub ayuunbuu ula dhaqmayaa sida wadan jira. Tusaale ahaan wadanka Israel wadamada Carabta badankoodu aqoonsi siyaasadeed may siinin laakiin wadamo badan oo aduunka ah ayaa wadan ahaan u aqoonaday, mana jiro sharci wadamada diidan ku khasbaya inay aqoonsadaan.

Hadaba, Jimciyada quruumaha ka dhexaysaa ma laha awooda aqoonsiga wadan cusub, waxaana dhacda in wadan aan ku jirin Jimciyada quruumaha ka dhexaysaa uu ahaan karo wadan la aqoonsanyahay oo ka mida beesha caalamka, tusaale ahaan wadanka Switzerland waxay ku biirtay Jimciyada Quruumaha ka dhexaysa sanadkii 2002.  Sidoo kale urur goboleedada ama kan qaaradaha si toosa uma bixiyo aqoonsi siyaasadeed in kasta oo xodxodoshada siyaasadeed laga dhex bilaabi kara wadamada ururkaas xubnaha ka ah.