Telesom oo ururka SOLJA siisay mashaariic lagu horumarinayo saxaafadda Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom, ayaa kulan casho-sharaf ku qaabishay Hogaanka cusub ee dhowaan loo doortay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

Munaasabadan oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee Hargeysa, waxa ka qayb-galay mas’uuliyinta Ururka Solja, Xubnaha Guddiga Fulinta, suxufiyiin, madaxda waaxda xidhiidhka dadweynaha ee Shirkadda Telesom, saraakiisha daladda isku xidhka Ururada bulshada rayidka ah ee SONSAF, Dhiinka kuliyadda xallinta Khilaafaadka ee jaamacadda Hargaysa iyo marti sharaf kale.

sawirWaxa ugu horeyn kulanka hadal ka jeediyey madaxa waaxda xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkadda telesom Md Maxamed Cabdi Garbo oo sheegay in shirkadda Telesom soo dhoweynayso hoggaanka cusub ee ay doorteen saxaafadda Somaliland, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Annagu shirkad ahaan waxaanu soo dhoweynaynaa hoggaanka cusub ee ay saxaafadda dalku sida wadajirka ah u doorteen, waxaana aanu u aragnaa ahmiyad weyn in aanu halkan ugu qabano kulan soo dhoweyn ah maadaama aanu isku shaqo nahay oo wadashaqayn naga dhexayso,” ayuu yidhi Maxamed Cabdi, isaga oo intaas ku daray, “Shirkadda Telesom waa shirkaddii u horaysay ee dhaqan-gelisa hannaanka wax wada lahaanshaha (Share Holders) isla markaana laga faa’iido, tusaale-na u noqota shirkaddo kale oo badan oo dib ka aasaasmay, waxayna diyaar u tahay inay suxufiyiinta guud ahaan gaar ahaan hoggaanka ay doorteen kala shaqayso sidii dhinac wax loogu wada wadi laha, wada-tashi iyo kulamana loo yeelan lahaa maadaama isgaadhsiin laga wada shaqeeyo,” ayuu yidhi Mr Darbo.

Md Cabdiraxmaan oo isna ka mid ah saraakiisha Waaxda xidhiidhka dadweynaha ee Shirkadda Telesom ayaa hadal uu halkaa ka jeediyey waxa uu soo dhoweeyey qaabka ay isu maamulaan suxufiiyiinta dalku, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay leeyihiin shaqo-wadaag, waxaanu yidhi, “Shirkadda Telesom waxay diyaar idiinla tahay inay idinka taageerto horumarinta saxaafadda iyo suxufiyiinta waxana aan ku dhawaaqayaa in aanu diyaarinay taageero aanu ugu talo galnay Ururka Suxufiyiinta taas oo aanu kaga jawaabayno codsi dhankiina nagaga yimid, anaga oo ka caawin doona dhinacyada Qalabka xafiisyada, furitaanka xarun Libarary oo Suxufiyiintu ku shaqaystaan iyo weliba in aanu dhinac istaagno saxaafadda si ay uga faa’iidaystaan Tiknoolajiyadda casriga ah ee is-beddelaysa maalinba ta xigta, intaas oo aanu u raacin doono baadhitaano xog-ururin ah oo ay Shirkaddu samayn doonto si loo helo baahiyaha lagama maarmaanka ah ee saxaafadda iyo suxufiyiinta iyo hanaanka loo dabooli karo baahiyahaasi.”

Guddoomiyaha Kuliyadda Xallinta khilaafaadka ee Jaamacadda Hargaysa Prof Aadan Xaaji Cali & Guddoomiyaha Daladda SONSAF Mustafe Sacad oo hadalo kooban ka jeediyey munaasabadaasi, ayaa si isku mid ah u sharraxay caqabadaha hor taagan saxaafadda, baahiyaha haysta, kaalinta ay shirkadaha dalku ka qaadan karaan horumarinta saxaafadda iyo doorka ay Jaamacadaha dalka iyo ururada bulshada rayidka ahi ku yeelan karaan horumar noocaas ah oo saxaafaddu gaadho.

Suxufiga Caanka ah ee Yoonis Cali Nuur oo munaasabada lagu casuumay, ayaa isaguna si qotto dheer uga hadlay shaqada ay ururrada caalamiga ah ee saxaafadeed qabtaan gaar ahaan Dawladaha horumaray iyo sida ururradaa laftoodu ugu tiirsan yihiin ee aanay uga maarmi karin Shirkadaha ganacsi ee waaweyn.

Sidoo kale, waxa uu Yoonis Cali Nuur ka hadlay saamaynta ay tiknoolajiyadda caalamiga ahi ku yeelatay hannaankii baahineed ee aasaasiga ah, waxaanu soo jeediyey in saxaafadda Somaliland weli u baahan tahay in laga dhiso dhinacyada doorkeeda iyo faa’iidada ay bulshada ugu fadhiday, waxana uu tusaale u soo qaatay sida ay saxaafaddu wax weyn uga tari karto wacyigelinta caafimaad ee bulshada loo gudbin karo taas oo uu sheegay inay xal u noqon karto 70% ka hortagga cudurrada ay dadweynaheenu la tabaalaysan yihiin.

Munaasabadaasi waxaa kale oo ka hadlay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xuseen Aadan Yuusuf (Xuseen Kurdi) oo ku bogaadiyey shirkadda Telesom kulanka soo dhoweynta ah ee ay u qabatay Hoggaanka cusub ee Suxufiyiinta Somaliland, waxaanu Xoghayahu tilmaamay kaalinta ay Shirkadda Telesom ugu jirto wadanka iyo doorka ay ka qaadan karto horumarinta saxaafadda, isagoo u soo jeeiyey inay shirkaddu il-gaar ah ku eegto suxufiyiinta ka hawlgala Gobolada iyo Degmooyinka ka baxsan caasimadda oo uu sheegay inay duruufo adag ka haystaan dhanka isgaadhsiinta iyo Korontada.

Munaasabada oo sidoo kale ay hadalo ka jeediyeen Saynab Maxamed Cabdi oo ka mid ah xubnaha guddiga sare ee Ururka SOLJA iyo saraakiil kale oo ka socday dhanka Shirkadda Telesom, waxa soo gebagebeeyey Guddoomiyaha Ururka SOLJA Maxamuud Cabdi jaamac (Xuuto) oo faahfaahiyey halka ay hoggaan ahaan ilaa hadda wax marinayaan, qorshayaasha ay damacsan yihiin iyo sida wax loola qaban karo, waxana uu kulankaa ku bogaadiyey in Shirkadda Telesom oo gacan ka gaysatay shirweynahii lagu doortay hoggaanka SOLJA uu kulankaasi muujinayso sida ay diyaarka ugu tahay inay wax la qabato saxaafadda iyo suxufiyiinta Dalka.

Guddoomiye Xuuto, waxa uu madasha ku soo qaaday isla markaana kaga hadlay inay jiraan waxyaabo u baahan inay shirkadaha isgaadhsiinta iyo Saxaafadda dalku ka wada hadlaan oo meel la isla dhigo.

Si kastaba ha ahaatee, kulanka oo u muuqday mid ujeedooyinkii is xogwaraysi iyo iskaashi ee laga lahaa ka soo baxeen ayaa waxa la aaminsan yahay in uu fure u noqon doono kulamo kale oo ay hogaanka saxaafadda Somaliland la yeeshaan Shirkadaha iyo hay’adaha gaarka loo leeyahay ee waddanka ka dhisan.