Telefoonnada Casriga ah oo Keena Cudurrada Maskaxda ku Dhaca

Hargeysa(SLpost)-Dadka shaqaalaha ah waxa xannuunka isku buuqa ku rida amma ku keena inay maskax ahaan ka mashquulaan telefoonnadooda casriga ah (smartphones), waayo waxay mar walba ku foogan yihiin farriimaha u soo dhaca si ay uga jawabaan sida lagu sheegay daraasad khubaro Ingiriis ah sameeyeen.

In qofku farriimaha Email ah ka jawaabo, telefoonkana ku hadlo, isla markaana iska xidhi kari waayo inta uu shaqada xafiiska ka nasanayo waxa ay keentaa inuu maskax ahaan u bukoodo qofku, isagoo mashquul badan gala.

Taladan oo ay soo saareen khubaro ka tirsan xarun la-talinta dadka qaabilsan oo la yidhaa Camden Council oo London ku taal, ayaa shaqaalaha isku buuqa ugu badan ee ay la kulmaan ay keenaan moobilada iyo tiknoolajiyada kale ee inta shaqada ay ka maqan yihiin isticmaalaan.

Warbixinta khubarada oo la daabacay toddobaadkii hore waxay sheegtay in 20% xannuunka maskaxda kala soo darsa dadka ay ugu wacan tahay isku buuqa oo aad u tiro bata oo ay keento in qofku maskax ahaan u nasan waayo.

“Waxa loo baahan yahay in laga hortago in shaqaaluhu nasan waayaan, waxana ku jirta khatar badan haddii shaqaaluhu isku buuq badan kala kulmaan farriimaha moobilladooda ugu soo dhacaaya, gaar ahaan kuwa Email ah ee loo soo diro,” ayey yidhaahdeen khubarada Camden Councils.

Golahani waxa ay dadka u soo jeediyeen inay waqtiyada firaaqada jimicsi sameeyaan iyo waxyaabo ay naftooda ku farxad gelinayaan, kagana nasanayaan shaqada culus ee uu ka soo baxay amma ku jiro inta uu shaqaynayo.

“Xannuunada maskaxda ku dhaca waa waxyaabaha ugu badan ee sababa in qofku shaqada ka maqnaado. Tiro ka badan 70% dadka waaweyn ee shaqeeya ee England ayaa cimrigooda inta ugu badan shaqo ku dhammaysta oo aan marna nasan, waxaannu qofku fursad u haystaa inuu maskaxdiisa caafimaadkeeda ka fikiro oo uu nasto,” ayuu yidhi Dr. Justin Varny oo khubaradan ka mid ah.

Xigasho Maankaab