Telefishanka ROYAL oo Kaalmo Lacageed Gaadhsiiyay Qoys Afar Qof oo Ka Mid ahi Qabaan Xanuunka Dhimirka

Hargeysa (SLpost) – Suxufiyiin ka tirsan Telefishanka madaxa-bannaan ee Royal, ayaa deeq  lacageed gaadhsiiyay qoys dan yar oo   ay ka waalan yihiin 4 wiil, kuwaasoo xalaadooda nololeed laga dayrinayay.

Kaalmadan oo dhamayd  $400, ayaa waxa soo diray  dad Soomaaliyeed oo ku nool Galbeedka Magaalada London, kuwaasoo codsaday  inaan magacyadooda la sheegin maadaama oo ay tahay sadaqad, waxaana  loogu talagay in  wax lagaga qabto dhibaatada haysata.

Agaasimaha Teleshifanka Royal ee Somaliland Axmed Cumar Cadaan, ayaa lacagtan ku wareejiyay Sahra  Xuseen Gubadle oo ay walaalo yihiin raggan maskaxda ka jirran, waxaana uu sheegay in  deeqdan ka dambaysay sawiro naxdin leh oo Telefiishanku baahiyay toddobaadyo  ka hor.

“Waxa aan lacagtan ku wareejinaya qoyskan danyarta ah oo 4 nin ka waalan yihiin, waxa aanu laba toddobaad ka hor baahinay war naxdin leh oo ku saabsanaan xaaladdooda, waxa ka soo jawaabay walaalo ku sugan Magaalada London gaar ahaan xaafada Hayes, waxaana ay codsadeen inaan magacyadooda la sheegin, maadaama oo ay hor Ilaahay u bixiyeen,” ayuu yidhi  Axmed Cumar.

Sahra Xuseen oo la dhalatay wiilasha qaba xanuunka  dhimirka, ayaa u mahadcelisay dadka u soo diray kaalmada.

“Inamada maanta ila jooga ee warka noo baahiyay, iyo dadka lacagta soo diray Ilaahay ayaa idin ka abaalmarin, caloosha ayaan idiin ka ducaynaa, khayr baan walaalo idiin rejaynayaa,” ayay tidhi Sahra Xuseen.

Afarta nin ee xanuunka Dhimirku haleelay, ayaa sannado ka hor qudha ka jaray Hooyadood oo ay ku daldaleen geed, waxaana ay ku sugan yihiin xaalad adag  oo aad liidata iyaga oo aan haysn cid daryeesha.

SLpost News/Hargeysa