Telefishanka Qaranka Iyo Sawirka Xukuumadda

 

 

Isha kali ah ee ummadda wargelisa, u bandhigta, una gudbisa waxqabadka xukuumaddu waa telefishanka qaranku leeyahay oo runtii u xilsaaran isku-xidhka ummadda iyo xukuumadda.

Marka xukuumaddu si weyn ugu hagar baxdo telefishankeeda, miisaaniyadda ay u qoondaysayna tahay mid dhan walba ka dhisi karta telefishanka, waxaan aad u la yaabay in lacagtaas xad-dhaafka ahi noqotay mid dhan walba ka dumisay telefishankii qaranku lahaa.

Sawir qaadista telefishanka ayaa runtii ah mid tayadiisu aad u liidato, codeynta ayaa iyana ah mid aanaad dhegahaba siin karayn.

Horumarka Somaliland gaadhay telefishanka qaranku ma aha mid ummadda u muujin kara, sababta oo ah sawir saafi ah ma laha, oo xataa quruxda waddanku leeyahay ee degaan leh, miyi leh, magaalo leh; lagama dheehan karo telefishanka qaranka.

Telefishanka qaranka shaqaalihiisu fursado badan ayay helaan oo ay ka mid tahay seminaarro aad u badan oo ay ahayd in tayada iyo aqoonta shaqaalahaba labadaba ay kor ugu qaadaan, laakiin hoos u dhac uun bay ka korodhsadaan.

Waxaan odhan karaa waxyaabaha ugu mudan dhaliilaha xukuumadda, ummaddana ka fogeeyay, waxa ka kow ah telefiishanka qaranka. Waxaan qabaa in telefishanka qaranku la mid yahay rayiislaha oo kale, waayo rayiislaha shaqadiisu waa in qofka uu qurxiyo oo tinta uu ka jaro halkaas oo qofku markuu ka baxo bulshadu il kale ku eegto, iyaga oo markaba dareema isbeddelka, laakiin haddii rayiisluhu timaha uun kuu maydho isaga oo aan timaha kaa jarin oo uu kuu feedho uun, muxuu kugu kordhiyay. Waxaa sidaa ka dhigan miisaaniyadda xukuumaddu u astaysay SLNTV oo aan waxba ku celin, una shaqayn sidii laga rabay. Run ahaantii waxaan ku dhaliilaayaa in shaqo xumidoodu dhaliilaha ugu badan u soo jiiddo xisbiga iyo xukuumadda labadaba.

Ummadda waxaa lagu hantaa madadaalo iyo barnaamijyo wax ku ool ah kuwaas oo ka yeela in ummaddu aad ugu xidhanto xukuumadda. Laakiin barnaamijyada ka baxa SLNTV ayaa ah:

1- Qaar aad mooddo inaan lagaba baarandegin.

2- Wariyeyaasha oo aan lahayn khibraddii wareysi, oo ah hannaanka iyo asluubta hadalka lagala wareegayo ashkhaasta ay soo casuumaan iyaga oo si adag inta badan uga dhex gala qofka oo wata hadalkiisa ama si toos ah u yidhaa soo gaabi iyada oo aan asluub iyo anshax wacani ku dheehnayn.

3- Masraxa oo mar walba ah mid aan iftiin badan lahayn, madow, ama aan qurxooneyn.

4- Dhinacyada Kameradaha lagaga qabanayo oo mar walba dhinac u badan oo “angle” kaliya ah.

5- Tayada sawirka oo aad u liidata, taas oo ishu aanay ku raaxaysan, kana yeesha si kasta oo uu u xiiso badnaa barnaamijku mid eber ah. Waayo; sawirku waa shayga ugu horreeya ee ka yeela daawadaha in uu daawado xataa haddii aanu macne badan lahayn barnaamijkaasi.

Run ahaantii ma soo koobi karo dhaliilaha tiro beelay ee telefishanka qaranka, waxaanan ku soo koobaya muraayadda qaranka si weyn wax ha looga qabto.

W/Q-Aadan Cabdi Daahir