Telefishanka Caalamiga Ee ITV Oo Ka Faalooday Doorashada Somaliland, Cidda Beesha Caalamku U Saadaalisay Guusheeda Iyo Qiimeynta Dooddii Dhexmartay Saddexda Murashax

Hargeysa (SLpost)- Telefishanka Caalamiga ah ee ITV oo xaruntiisu tahay dalka Ingiriiska, ayaa warbixin xiiso leh ka diyaariyey doorashada madaxtinimada Somaliland ee la filayo in ay qabsoonto 13-ka bishan aynu ku jiro.

Warbixintan oo Telefishanka ITV ka diyaariyey doorashada Somaliland oo lagu baahiyey shabakada Telefishankaas, ayaa waxa lagaga hadlay u diyaargarowga doorashada, gacanta ay dawladda Ingiriiska ka geysatay dhinaca dhaqaalaha, dooddii murrashaxiinta Somaliland ee bishii hore iyo weliba saameynta ay doorashadani ku yeelan doonto musqabalka Somaliland.

Saddexda Xisbi ee SomalilandWarbixintan oo Wargeyska Saxansaxo ka soo xigtay Turjumaadiisa ITV isla markaana uu diyaariyey Tififraha arrimaha caalamka ee Telefishanka ITV Raage Oomar, ayaa waxa ay u dhignayd sidan: “Sannadkan oo dhan, waxaan ka soo warramayey musiibo Abaareed, taasi  oo muddo saddex sanno ka badan ku habsatay Somaliland, waa abaartaas sido kale si weyn u saameysay meelo ay ka mid yihiin  Putland iyo Somalia.

Waxaan socdaal ku soo wareegay mastaafo iyo dhul baaxad leh oo waddanka (Somaliland) ah, ka soo bilow meelaha ay buux dhaafiyeen (dadka Barakacayaasha ee abaaruhu saameynta ku yeesheen) ee quudinta iyo daryeelida caafimaadka ee Caasimadda Hargeysa ku jira, illaa  bulshada reer Guuraaga ee Miyiga ay ku dhaqan yihiin ee deegaannada Bariga fog ee waddanka Somaliland ay ku nool yihiin.

Wakhtigii aan warbixintaasi ku guddo jiray, waligay isma lahayn in aan arki doono dadka reer Somaliland inay noqon doonaan kuwo haddii ay tobanaan Kun oo sanno jiraan, inay geli doonaan doorasho ay Xisbiyo badani ka qayb galaan, laakiin xaqiiqdii hadda waaba waxa hada socda (Doorashada Madaxtooyada Somaliland), waddan ay haleeshay Gaajo iyo cuduro inay imikana ku jiraan xumad Doorasho.

Sida uu dhawaan ii sheegay siyaasi weyn oo dalka Ingiriiska u dhashay doorashada Madaxtooyada ee Somaliland, waa mid ka mid ah arrimaha naadirka ah, arrin ididiilo ahna u ah mandaqadda (Geeska Afrika) ee lagu arkay wakhtigan.

Dalka Ingiriisku waxa uu ka ciyaaray door muhiim ah, inay tan (doorashada Somaliland) hadda socota dhacdo, kaliya Ingiriisku  gacan kamu geysan caawimaddii iyo taakuleyntii dadka Abaaruhu ku habsadeen uun, laakiin maxayeelay  waxay taageereen, waxay kormeerayaasha caalamku yidhaahdan, waa (Doorasho) sido kale  nabadgelyo iyo si layaab leh oo furan u ah mid lagu kalsoon yahay oo doorasho hal qof iyo hal cod ah.

Marka la tixgeliyo xaqiiqooyinkan ay ah tijaabooyinka dawladda Ingiriiska, Midowga reer Yurub iyo Goob-joogayaasha Caalamiga, doorashada Madaxweynenimadda ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoomi doonta 13/11/2017-ka, waxay noqon doonta dalkii ugu horreeyey ee Afrika lagu galo Qalabka Diwaan-gelinta  Casriga ee (Iris-recognition software), kaasi oo ah mid diwaangelin iyo hubinta codbixiyaha, kana hor tegaya inay dhacdo wax kasta oo musuq amma wax is dabamarin doorashada ah iyada oo ku dhawaad 800,000 qof oo muwaadiniin reer Somaliland ahi, ay isku diwaangeliyeen (qaateen) Kaadhka Codeynta doorashada.”

Warbixintan waxa lagu falan-qeeyey dooddii murrashaxiinta Somaliland foodda isku dareen bishii hore, taas oo ahayd tii u horreysay ee nooceeda ah ee loo qabto murrashaxiinta dalka, waxaanay warbixintani lagu yidhi, iyada oo ka hadlaysa dooddaas “Saddexda Murrashax ee doorashada Madaxtooyada Somaliland ku hirdamayaa, waxay galeen dhawaan dood toos looga baahiyey telefishinnada (afka Somaliga ku hadla) dooddaasi oo socotay ku dhawaad 6 saacaddood, waxaana doodda ka qayb galay Murashaxiinta kala ah, Murrashaxa Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, Murrashaxa Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi  Cabdi iyo murrashaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Murrashax Eng. Faysal Cali Waraabe

Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu si fiican uga ciyaaray dooddii loo qabtay Murrashaxiinta Saddexda Xisbi ee Somaliland dhawaan Hargeysa loogu qabtay, waxa uu muujiyey ruug-caddaanimadiisa Siyaasadda Somaliland, waa siyaasi midabo aad u badan leh, waa nin lagu yaqaan in uu runta ka hadlo, waana shaqsi aad u caan ah, laakiin khubarada Caalamiga ee u kuur galay siyaasaddu, waxay sheegaan in Xisbiga UCID uu Faysal uun ku dhisan yahay, isla markaana uu si aad ah ugu  yahay gaadhigiisa oo khaaska ah oo kale.

Murrashax Cabdiraxmaan  Maxamed Cabdilaahi (Cirro)

Murrashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waa nin isku xeeray rag badan oo hore u soo noqday Wasiirro oo soo maray Xukuumaddihii hore ee Somaliland,  waxa si weyn u dhaawacay (Murrashax C/raxmaan “Cirro”) Xidhiidhkiisa taageerada uu dawladda Federaalka ee Somalia ka helo, Somalia oo ah dalkii ay 26 sanno ka hor ka go’day Jamhuuriyadda Somaliland, sidaasi oo ay tahay, waxa uu noqday qof calaamadsan, kaasi oo xidhiidh hoose oo wada shaqayneed la leh  Somalia, waana wax uu si xoogan u dafiro amma u diido.

Murrashax Muuse Biixi Cabdi

Murrashaxa Xisbul Xaakimka talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waa ninka ay dadka u dhuun daloola siyaasadda iyo doorashada Somaliland isku raacsan yihiin in uu ku guulaysan karo Doorashada Madaxtinimadda ee Somaliland ka dhici doonta dhawaan, Muuse waa Sarkaal hore oo Ciidanka millatariga ah, ka hor intii aanay dagaaladda sokeeye (Somaliland ka dhicin) iyo Mujaahid ka tirsanaa (Somaliland National Movement/SNM), waxa uu Kaambeyn adag (ololaha doorashada madaxtinimadda) ka gala gobolada ay mushkiladu ku badan yihiin ee Bariga Somaliland, waxaana uu ku guulaystay heshiis qabiil ku salaysan, waxaana ay taasi u keentay ahmiyad ah in uu ku gacan sareeyo ololaha doorashada.

Warbixinta ugu dambeyntii waxa lntaasi ay ku dartay,

Waxa laga yaaba in aanay dhammaan wada ahayn (Xogtani) macluumaadka Siyaasadda gudaha ee Somaliland ka jira, laakiin waxay ina tusaysaa uun, inta ay leeg tahay isbedelka ka jira, dal guud ahaan sannadkan oo dhan cid kastaaba  ay  ka hadlaysay khatarta ay keentay Abaartii (Somaliland ka dhacday), halkii laga hadli lahaa xiisaha doorashada madaxtinimadda ee xisbiyadda badani ka qayb gelayaan.

XIGASHO: Wargeyska SAXANSAXO