Barnaamijkan taxanaha ah ee Hees-dhaqameedda Soomaalida oo todobaadle ah, Somalilandpost waxa uu isniintii hore idiin soo gudbiyey qaybtii koowaad oo hordhac u ahayd taxanahan. Isniintan waxa aynnu ku soo bandhigi doonaa ciyaar-dhaqameedda haanta.
Waxa Diyaariyey oo Innoo Soo Jeediya Khadar Xuseen Daahir (Hayl).
Ciyaar-dhaqameedda Haanta:
Ciyaar-dhaqameedda haanta oo ka mid ah ciyaaraha dhulalka Soomaalida ka sii dabargo’aya ama dabargo’ayba ayaa waxa ay magaca ka wadatay haamihii ergeegta iyo qabada laga toli jirey ee ay Soomaalidu biyaha iyo caanaha ku shuban jireen. Waa ciyaar aan sacab iyo jaan toona lahayn, durbaan ayaa se luuqda lagu jaangooyaa oo lagu sarjaraa. Ciyaarta haanta waxa badanaa ama asal ahaan laga ciyaari jirey gobollada Mudug, Gal-guduud, Sool iyo nugaal, waxaana ay bahwadaag la tahay ciyaarta Shamalka oo dabargo’day iyo Saarka oo weli deeggaannada qaar sida Gedo iyo Waamo laga sii ciyaaro.
Inkasta oo waayadii hore ay ragga iyo dumarkuba wada dheeli jireen, haddana beryihii danbe waxa ay isu rogtay mid dumarka uun u khaas ah, taasi oo qabanqaabadeeda iyo midhaheedaba ay iyagu gaar ku yihiin. Dumarka laftoodu uma sinnayne, waxa ciyaartan tuman jirey keliya gashaantimaha iyo garoobbada, halka dumarka la qabo ay iyaga ka reebbanayd. Sida ay kala mid tahay inta badan ee ciyaaraha faceeda ah, waxa ciyaartan la qabtaa ama la tumaa habeenkii, waxaana badanaa laga aloosaa sabada reerka ama meel aan ka fogayn aqallada iyo xeryaha xoolaha.
Koox haween ah oo isgurtay ayaa isugu yimaadda oo ku kulma gegi bannaan oo loo qoondeeyey in habeenkaa isaga ah ciyaarta laga tumo. Haantii durbaan ahaanta loo soo qaatay oo madhan, harag neef yar laga saarayna afka hore laga xidhay oo lagaga giijay ayaa god yar oo la qoday salka ama gunta loo geliyaa. Ka dib ciyaarta ayaa la bilaabaa, gabadha heesta ku qaadaysa ama hal-abuuradda ah ayaana durbaanka kaga dhawaajisa oo luuqda iyo dhawaqa haanta isku sargoysa, halka ay dumarka kalana sacabka iyo jiibta ugu hagarbaxaan ee kaga tiiriyaan, iyaga oo ku dhawaaqaya, kuna jiibinaya ereyga ah “hee”.
Gabadha midhaha tirinaysa ayaa iyada oo hab-suugaaneed farshaxannimo qotodheer leh oo qofayn ah adeegsanaysa la hadlaysa haanta ay faraheeda ku tumayso, waxa ay faraysaa in ay xoog u dayaanto oo dhawaaqa laliso, dhul fogna ka tallaabiso, si dhallinyaro dhul dheer jirta iyo mid dhawiba ay ugu soo hirtaan oo gegida ciyaarta u soo buux-dhaafiyaan, kolkaas ayaa ay heesta ku bilaabaysaa:
Daryaan haanyahay daryaan
Daryaan oo diririglee
Daryaan dooxada ka yeedh
Daryaan duul maqan u yeedh
Dhallinyaradii la gorfayey oo dhawaqa durbaanka iyo luuqda isku jaango’ay soo raacay ayaa golihii ciyaarta soo buuxdhaafiyey, ka dibna gabadhii heesta ku qaadaysay ayaa dareensiinaysa in ay tan iyo fiidkii ciyaarta tumayeen oo u toogo-hayeen in mar uun golaha la soo buux dhaafin doono, kolkaas ayaa ay odhanaysaa:
Tan iyo fiid waan fadhiyey
Filkay uma foolxumayn
Fagaaraha kama baqayn
Intaa fiirsaan lahaa
Nin fiirsaday waa fariid
Facaa dhowrbaan lahaa
Mar kale ayaa ay dhallinyarada geeljirka ah ee golaha yimid xifaalaynaysaa, iyada oo haweenka kale ee garab fadhiya la hadlaysa oo faraysa in aanay geel-jirka wax hadal ah u furin ee boodhka ku hurgufaan, ayaa ay leedahay:
Habeedlaha geela jira
Naa afkaagaa looma furo
Firaa lagu saydhiyaa
Hareer baa laga maraa
Qolo odayaal ah oo golaha yimid ayaa ay isha ku dhufanaysaa oo halacsanaysaa, markaas ayaa ay iyada oo u duurxulaysa u quusgoynaysaa oo dhacsiinaysaa in aan innaba gegida odayaasha gogoli u oollin, iyada oo leh:
Waxaan odayada ku nacay
I toobtooboo I tiif
Sinaha toobin iga saar
Dabkuna yuu iga bakhtiyin
Waa hal-abuur iyo caadadiiye, ammaan ayaa ay isku badhaxtiraysaa oo dusha iskagala dhacaysaa. Quruxdeeda iyo qotonkeeda ayaa ay daaha ka rogaysaa, iyada oo xubnaheeda qaarkood carrabka ku dhufanaysa, markaas ayaa ay leedahay:
Ma soo lulay labiyo laba
Ma soo lulay gacanta midig
Ma soo lulay laafyihii
Ma soo lulay luqunta dheer
Ma soo lulay labada garab
Waxa ay arkaysaa ciyaartii oo qabowday iyo haweenkii garabkeeda fadhiyey oo daalay ama ciyaartii ka seexday, kolkaas ayaa iyada oo qaarkood u halqabsanaysa odhanaysaa:
Maryama miisaan raglay
Mullaaxooy madi galool
Mataantii iga yarayd
Matooy ma iska huruddaa.
La soco Isniinta Todobaadka Dambe.
FG: Qormadani waxa ay ka mid tahay Buug dhawaan soo bixi doona oo ka hadlaya Hees-dhaqameedka Soomaalida.