Tartankii Xifdiga Qur’aanka Oo Lasoo Gebo-gabeeyey + Magacyada Ardaydii Ugu Sarreysay Oo Abaal-marinno Qaaliya La Guddoonsiiyey iyo Shirkadda Dahabshiil Oo Maal-gelisay Tartanka Oo Si Weyn Loogu Duceeyey

Hargeysa (SLpost)- Tartan Sannadle ah oo Xifdiga Qur’aanka Kariimka ah ee bisha Radamn oo oo maalmahii u dambeeyey ka socday magaalada Hargeysa, ayaa todobaadkan lagu soo gebo-gabeeyey masjidka Cali-Mataan ee badhtamaha Magaalada Hargeysa.

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu soo gunaanaday tartankaasi oo ay ka qayb-galeen arday isaga kala timi gobollada dalka oo dhan. Waxaana kasoo qayb-galay masuuliyiiin uu ugu horreeyo wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil C/laahi Axmed, Culimo-u-diin gobollo kala duwan isaga kala yimi iyo dadweyne tiro badan.

tartan (2)Munaasibaddan ayaa lagu bixiyey abaal-marinno qaaliya, aad-na uga qiimo sarreeya kuwii la bixin jiray sannadadii hore. Waxaana abaal-marinadaasi la guddoonsiiyey.

Ardaydii ku guulaystay kaalmaha Koowaad, Labaad iyo Saddexaad. Kuwaasoo ka koobnaa 9 Arday oo kusoo baxay tartannadii 30-ka Juz iyo 15-ka Juz.

Xafladdan ayaa ugu horreyn waxaa ka hadlay Sheekh Ismaaciil Cabdi Hurre oo ku hadlaayey afka guddida qaban-qaabada tartankan. Waxaanu mahadda Alle kadib, uu halkaasi uga mahad-naqay cidkastoo ka qayb-qaadatay qabsoomidda tartankan.

Si gaar ah waxa uu sheekh Ismaaciil ugu mahad-celiyey isla markaana ugu duceeyey Dahabshiil oo ah shirkadda maal-gelisa tartankan oo Ramadaan walba la qabto. Waxa uu sidoo kale sheekhu u mahad-celiyey Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo uu ku ammaanay mudadii uu xilka hayey iyo dedaalka dheeraadka ah ee uu geliyey fidinta iyo ballaadhinta tartankan.

tartan (1)Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay in ujeedka ay tartankan u qabtaan tahay sidii Qur’aanka loo noolayn lahaa gaar ahaan bisha Ramadaan oo la ogyahay ayuu yidhi xidhiidhka ka dhexeeya bishan iyo Qur’aanka Kariimka ah. Sidoo kalena waxuu sheekhu ujeedada tartankan uu ku sheegay soo bandhigidda heerka dhalinyarada dalku ay ka joogaan xifdiga Qur’aanka kariimka ah.

Tartanka sannadkan ayuu sheekhu sheegay inuu ahaa mid aad u wacdarro badnaa. Waxaana ka qayb-galay ayuu yidhi todobaatan Wii loo da’doodu ay aad u yar tahay iyo Soddon hablood oo dhammaantood ku tartamaayey 30-ka Juz iyo 15-ka Juz.

BAR TARTANKA QURAANKA KARIIMKA AH.mp4_000138770Sheekh Maxamed Cali Biixi oo ka mida culimada waaweyn ee dalka gaar ahaan gobolka Sanaag oo kalmad kooban ka jeediyey munaasibaddaasi ayaa dardaaran u jeediyey guud ahaan bulshada gaar ahaan xukuumadda Somaliland waxaana hadalladiisii ka mid ahaa “Waan qurxinnay, xafladdani way qurux badantahay waxa la innooga baahan yahay walaalayaal Qur’aanku inuu ku qurux badanaado camalkeena”

Sheekha oo hadalkiisa sii wata kana sii hadlaaya Qur’aanka ayaa intaasi raaciyey “Sida masaajidka iyo malcaamadda uu hadda ugu qurux batay inuu Qur’aanku ugu qurux badnaado xafiisyada dawladda, Maxkamadaha, meelaha Tujaaradda, shawaaricdeenna, suuqyadeenna, meel kastaba inuu Qur’aanku ku qurux badnaado ayaa la innooga baahan yahay inaan noqonno jiilkii saxaabada oo kale …”

Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo munaasibaddaasi ka hadlay ayaa xusay waajibaadka innaga saaran iyo aadaabta aynu kula dhaqmayno Qur’aanka waxaanu ku sheegay sidan:

1-      In aynu rumayno

2-      In aynu ku cibaadaysanno

3-      In aynu ku dhaqanno

4-      In aynu isku dawaynno

5-      In aynu Ilaahay ku af-garanno

6-      In aynu weyneyno

“Qur’aanka Kariimka ah waxyaabaha loo soo dejiyey waxaa ka mida kuwa ugu muhiimsan, inuu nolosha dadka saxo, akhlaaqdooda, caqiiqdadooda, cibaadadooda, camalkooda iyo siyaasaddooda intaba…” Ayuu yidhi Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sheekha oo ujeedka Qur’aanka la innoogu soo dejiyey sii iftiiminaya ayaa yidhi “Waa distoorkii iyo manhajkii ummaddu ay raaci lahayd. Xukuumaddooda, shacbigooda iyo qoyskooda.  Dhinacyada kala duwan ee nolosha kii toosin lahaa weeyi…”

Sheekh Maxamed  Sheekh Cumar Dirir waxa kaloo uu bulshada ku baraarujiyey heerka sarreeya ee qofka Qur’aanka xifdiyaa uu If iyo Aakhiraba kaga jiro iyo weliba tix-gelinta gaarka ah iyo maamuuska uu Ilaahay agtiisa ku leeyahay.

BAR TARTANKA QURAANKA KARIIMKA AH.mp4_002011794Sheekh Dirir ayaa kalmaddiisa kusoo gunaanaday dardaaran uu carrabka ku adkeeyey waxaanu yidhi “Waxaynu isu baraarujinaynaa aad isugu cel-celinaynaa sidaa horebe aynu u xusnay, sidaa aynu u cisaynayno qur’aanka kariimka ah barashadiisa, akhrintiisa iyo tartankiisa. Qur’aanku ha noqdo xeerkii qabiilada iyo kii qaranka iyo kii shirkadda intaba. Oo yeynaan noqonin dad kala socda oo kalaamkii sida kale u weynaynaya hadana xaggii camalku uu daciif yahay, xikmadda u weyn ee loo soo dejiyeyna waa taas weeyi, Alle waxaan ka baryayaa mar koowaad iyo mar labaadba inuu inna waafajiyo, kuwuu u shafaaci qaadana qur’aanku qiyaamaha Ilaahay innaga dhigo”

Wakiilka Shirkadda Dahabshiil C/raxmaan Cali Cabdi ayaa isaguna halkaasi hadal kooban ka jeediyey. Waxaanu xusay ula jeedada maal-gelinta tartankan oo muddo badan ay soo wadeen inay tahay oo kaliya dhiiri-gelin ay dhalinyarta ku dhiirigelinayaan barashada iyo ku baratanka Qur’aanka Kariimka ah.

Mr C/raxmaan ayaa sidoo kale xusay in dhanka khayrka ay mar walba rabaan inay kaalinta koowaad qaadaan, sidaasi darteed ay la jaan-qaadayaan mar walba isbedelka xilliyada iyo koru-kaca hanka ardayda tartamayaasha ah.

BAR TARTANKA QURAANKA KARIIMKA AH.mp4_000151753Sheekh Mubaarik oo xafladda xidhiidhinayey ayaa goobtaasi ka qiray in shirkadda Dahabshiil iyo hawlaheedan khayriga ah uu yahay mid Ikhlaas ah. Markastoo tartannadan shirkaddu qabato ay culimadu soo khasbaan oo masuuliyiinta shirkadda ay daba-karriix ku keenaan goobta tartanka. Waxaana halkaasi looga duceeyey Shirkaddaasi Dahabshiil.

Sheekh Maxamed Aaden Muxumed oo ah udub-dhexaadka tartannadan faah-faahin dheeriya ka bixiyey tartankan waxaanu sheegay  in Shirkadda Dahabshiil ay kordhisay miisaaniyaddii ay u qoondaysay tartanka Qur’aanka Kariimka ah, haddii ay noqoto ardayga ugu sarreeya ilaa ardayga ugu hooseeya.

Sheekh Maxamed Aaden ayaa tusaale ku bixiyey labada arday ee ugu sarreeya waxaanu sheegay in sannadadii hore ardayga ugu sarreeya la siin jiray $ 700 USD, halka sannadkan looga dhigay $ 4,000 USD oo xajka lagaga bixin doono. Ardayga kaalinta 2aad oo horey loo siin jiray $ 550 USD, ayaa sannadkan looga dhigay $ 1,200 USD iyo Laptop. Dhinaca abaal-marinadii kale ee u raaci jiray ayuu sheekhu sheegay inay iyagu sidoodii yihiin.

Sheekh Mubaarik ayaa bulshada ku baraarujiyey in maalinta berriya la qaban doono tartankii hablaha, oo ku tartami doona 30-ka Juz iyo 15-ka Juz. Halka sannadadii hore ay ku tartami jireen 25-ka Juz iyo 10-ka Juz. Iyadoo halkaasi laga sheegay in miisaaniyaddooduna ay iyagana sannadkan korodhay.

Maayir-ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa Md C/casiis Maxamed Xaashi (Cago-weyne) oo madashii xafladdan ku sugnaa ayaa goobtaasi kaga dhawaaqay in ka gole deegaan ahaan ay iyaguna qaban doonaan tartanka ardayda qur’aanka ee da’da yar yar oo heerkoodu noqon doona 5 Juz ilaa 10-ka Juz.

Ugu dambayntii waxaa xafladdaasi soo af-meeray Wasiirka Diinta & Awqaafta Sheekh Khaliil C/laahi Axmed. Waxaanu halkaasi si gaar ah uga mahad-celinayey Culimada iyo Shirkadda Dahabshiil oo uu sheegay in muddo 22 Sanno ah ay tartankan soo wadday.

Sheekh Khaliil ayaa dardaarankii culimada carrabka ku dhuftay waxaanu sheegay in waxa la isku dhiiri-gelinayo Ilaahay-na innaga sugayaa ay tahay sidii Qur’aanka aynu ugu dhaqmi lahayn, haddii ay tahay dawlad, shirkado, dadweyne, ashkhas iyo qoysas-ba

Sheekh Khaliil ayaa sheegay in tartankan ay qabato Shirkadda Dahabshiil uu yahay hooyooyinkii tartannada. Sidaasi darteed xulka kusoo baxa tarankaasi ay iyaguna ka xukuumad ahaan u qabtaan tartan kasii sarreeya oo loo baxshey Tartanka Madaxweynaha ee xifdiga Qur’aanka Kariimka ah.

Wasiirka ayaa carrabaabay in tartankaasi madaxweynaha ee sannadkan ay qaban doonaan todobaadkan gudihiisa. Isagoo dhalinyarta tartamaysana ugu bushaareeyey abaal-marino kasii qaalisan kuwii sannadkii hore. “Waana ka diyaar xukuumadda gaadhi kii hore ka qiimo badan oo ka qurux badan kana weyn haddii Allaah yidhaahdo…” Ayuu yidhi Sheekh Khaliil C/laahi Axmed.

Gunaanadkiina waxa uu wasiirku abaal-marinadii kala duwanayd halkaasi ku guddoonsiiyey 9-kii arday ee ugu sarreeyey kuna guulaysatay kaalmaha hore oo magacyadoodu kala yihiin una kala horreeyaan sidii ay ugu kala sarreeyeen tartanka sidan:

1-      CabdiWahaab Maxamed Ismaaciil oo ah 14 Jir Ka Socday Maroodi-jeex Kuna tartamay 30-ka Juz Waxaanu Galay Kaalinta 1-Aad. Isagoo Dhanka Lacagtana Helay $ 4,000 USD.

2-      Shaafici Jaamac Jibriiloo ka Socday Maroodi-jeex Kuna tartamay 30-ka Juz Waxaanu Galay Kaalinta 2-Aad. Waxaanu Dhanka Lacagta Helay $ 1,200 USD. Waxaa U Sii Dheer Laptop.

3-      Axmed Maxamed Xasanoo kasocday Maroodi-jeex Kuna tartamay 30-ka Juz. Waxaanu Galay Kaalinta 3-Aad Ee 30-ka Juz. Waxaanu Dhanka Lacagta Helay $ 700 USD. Waxaa U Sii Dheer Mobile.

4-      Suhayb Maxamed Ibraahimoo kasoo Socday Maroodi-jeex Kuna tartamay 30-ka Juz Waxaanu Helay Dhanka Lacagta $ 400 USD.

5-      C/rasaaq Maxamuud XirsiOo Ka Socday Maroodi-jeex Waxaanu Ku Guulaysta Kaalinta 1-aad Ee 15-ka Juz. Waxaanu Dhanka Lacagta Helay $ 400 USD.

6-   CabdiJaliil Cabdilaahi AxmedOo Ka Socday Maroodi-jeex. Waxaanu Ku Guulaystay Kaalinta 2aad Ee 15-ka Juz. Waxaanu Dhanka Lacagta Helay $ 300 USD.

7- Maxamed Jaamac FaaraxOo Ka Socday Maroodi-jeex Waxaanu Ku Guulaystay Kaalinta 3aad Ee 15-ka Juz. Waxaanu Dhanka Lacagta Uu Helay $ 200 USD.

8-  Xamse Cusmaan C/raxmaan Oo Ka Socday Tog-dheer Iyo Mahad Naasir Cabdilaahi Oo Ka Socday Sanaag. Waxaanay Wada-jir Ugu Guulaysteen Kaalinta 4aad Ee 15-ka Juz. Waxaanay Dhanka Lacagta Uu Midkiiba Helay $ 150 USD.

Waxaana xusid mudan in dhammaan ardaydaas ay ka sinnaayeen abaal-marinadii kale ee u dheeraa intaa aanu idiin soo sheegay. Waxaa sidoo kale aan la hilmaami karin dhammaan dadkii gacanta ka geystay qabsoomidda tartankan in Kitaabbo Qur’aan ah lagu abaal-mariyey, goobtaasi iyada ah-na lagu guddoonsiiyey.