Tartanka Caanaha Geela Somaliland oo Duleedka Hargeysa ka furmay iyo Madaxweynaha oo Kormeeray

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta booqday xarun loogu talo-galay in lagu tartan siiyo Geela ugu caanaha badan Somaliland ee halkaasi ku sugnaa.

Tartankan oo ay ka qayb-galayaan iskaashatada Geel-layda dalka, waxa maalgelinaysa Dowladda Somaliland oo taageero ka helaysa dowladda Imaaraadka Carabta, iyadoo ujeeddadu tahay sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha sababa caano-yaraanta geela.

Waxaana maalmaha soo socda lagu dhawaaqi doonaa miisaanka ugu badan ee laga lisay labada wakhti ee galabtii iyo subaxdii, iyadoo isla goobtaasi lagu miisaamayo caanaha laga lisay hal kasta oo halkaasi ku sugan, waxaana loo kuurgeli doonaa wixii looga gudbi lahaa arrintaasi si loo helo kor u kaca miisaanka caanaha laga lisay geela Somaliland.

default
default

default
default
default
default
default