Tartan lagu xulayo Orodyahanno Metela Gobolka Maroodijeex oo Hargeysa lagu qabtay iyo magacyada guulaystayaasha

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Ciyaaraha,Iyo dhaqanka Md,Cali Siciid Raygal ayaa maanta Tartan Orod oo Shan Kiiloo Mitir ah ugu qabtay Garoonka Hargeisa Studiom Shan iyo Sodan Orodyahan kaas oo ay ka qayb qaadanayeen  Orodyahanada Gobolka Maroodi Jeex.

Munaasibadan Orodka oo ay ka qayb galeen Agaasimaha Guud Wasaarada Ciyaaraha Mustafe Qodax iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradaasi, Gudoomiyaha Xidhidhka CIyaaraha Fudud  Cumar Xuseen Mire,oo halkaasi hadlay ayaa Sheegay inay Tartanka Soo qabqaabisay wasaarada Ciyaaraha Isla markaana ay qacan ka Geysatay Hay’ada Mercy Crops,waxaanu intaasi ku daray inay qorsheynayaan in Tartankaasi ka soo baxaan Ciyaartoy Tayo leh oo Dalka Dibadiisa ugu Ciyaara Wadanka.

Wasiirka wasaarada Ciyaaraha Dhalinyarada iyo Dhaqanka oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa xusay in In  Xubnihii Dhalinyarta ahaa ee tartankaasi ka qayb qaatey ku bogaadiyay Guusha ay Gaadheen,isla markaana u soo jeediyay in halkaasi ka sii wadeen Dedaalkooda dhinaca Ciyaaraha si ay ugu Gaadhaan Natiijo wax ku ool ah oo anfacda qof ahaan iyo qaran ahaanba.Waxaanu wasiirku Halkaasi Ku Gudoonsiiyay koobkii Tartankaasi iyo Bilado Shantii Xubnood ee Kaalmaha Hore ka Galay  Tartankaasi.

Xubnaha tartankaasi ku Guulaystay waxay kala yihiin.

Jamaal Cabdi Diiriye ….oo kaalinta koowaad Galay

Jimcaale Axmed Jibriil…oo kaalinta labaad Galay

Abdi raxmaan Cawil Cali..oo kaalinta sadexaad ku so baxay

A/fataax Muuse Xasan.. oo kaalinta afaraad ku Guuleystay

iyo Maxamed Ibrahim Mu’min oo kaalinta shanaad ku Guulaystay.a