Tansania: Tirinta Codadka Doorashadii Shalay oo Socota

 

Tanzania(SLpost)-Dalka Tanzania waxaa ka bilaabatay tirinta codadka doorashadii madaxtinimada ee shalay ka dhacday dalkaasi.

Waxay Wararku sheegayaan in dadku ugu soo baxay doorashada ay aad u badnaayeen.

Xisbiga CCM ee 50-ka sano xukunka hayey waxa uu loollan adag kala kulmay xisbiyo isu tegey.

Kooxaha korjoogtada ah ayaa sheegaya inay adag tahay in la sii saadaaliyo cidda ku soo bixi doonta maadaama labada musharrax ee John Magafuli iyo Edward Lowassa ay aad isugu dhow yihiin.

Madaxweynaha xilka ka sii degaya, Jakaya Kikwete, kama qeyb qaadanin doorashadan, maadama uu laba xilli doorasho soo hogaamiyay dalka.

Guddiga Doorashada waa in uu sida sharcigu qabo ku dhawaaqa natiijada muddo todobo cisho gudahood, balse guddoomiyaha Guudigaasi ayaa BBC-da u sheegay in uu filayo in muddo afar malamood gudahood lagu dhawaaqi doono natiijada madaxtinimada.