Tani Maaha Shaqadaydii! – W/Q Khadar Nuux Yoonis‏

khadar yareWaxa meesha ka buuxa dhalinyaro faro badan,wax shaqo ah ma hayaan maalin walba sidii ay u lehi lahaayeen ayay xafiisyada u buuxiyeen iyo goobaha shirkadaha u buuxiyeen waxay ku dadaalayaan sidii ay kursiga wareega mar uu u fadhiisan lahaayeen ee ay shaqo wacan gacanta ula heli lahaayeen laakin tab iyo xeeladii lagu raadiyay malaha.

Wuu seexdaa hurdaduu ku fikiraa,wixii uu qabanlahaa ayuu hoosta ka xariiqaa markasta waxa uu la yimaadaa qorshe cusub laakin naftiisa oo hanwayn ayaa kala daadisa,hareerihiisa waxa buux dhaafiyay shaqooyin cid qabata la’a laakin isagu ma hawaysto oo hankiisaa ka sareeya,.waxaanu markasta iskula shawraa oo maxaad jaamacada u dhiganaysay ee lacagta kaa khasaarinayay hadii aad shaqadan ku shaqaynaysid,maxaad jaranjaradda dheer ee iskuulka u soo martay,waa inaad heshaa shaqo kugu haboon oo marsabkaaga taagan.

Shaqadda meesha taalaa waxay ka manaafacaad baddantahay kun shaqo oo uu maanta ku hamiyayo inuu qabto,dee shaqo ma doonayo xafiis kala jiidan iyo kursi wareega ayuu doonayaa,niyadiisa ma galin maalina shaqadan qabo ama cid ayaa ku odhan intay kuu yeedho hawshan qabo oo mushahar ka qaado.oo muxuu ku fali mushahar meeshaa uu arkayo laga soo saaray .

Geesta kale markuu eego waxa indhihiisu qabtaan dhalinyaro faciisa ah oo maalin walba jeeb buuran oo lacag ah la soo hoyda,isma qoomameeyee wuu ka qashaafaa ,waxaanu markale niyadiisa u sheegaa in lacagtaasi meesha laga soo saaraa aanay ahayn meel kugu haboon oo waad ka meeqaam saraysaa,maxaa dib kuu celinaya hadii aad shaqadda doonaysid miyaad maalintaad fasalka siddeedaad dhamaysay qabtid saw lacagtaa meesha diciifka ah ka soo baxday maad qaadateen.

Meesha uu joogo waxaa buux dhaafiyay Ajanabi dalal kala duwan ka soo haajiray si ay dhuuni iyo dhaqasho u helaan,ma dhoohnee lacagtaasi ayay dhibyaraan ku gurtaan uu kii kaga haboonaa kor uga holadday.

Naftu kama dayso werwer iyo walbahaar waxay tustaa daaqadaha niyad jabka ,waxay ooda uga qaadaa albaabadaha fikiro qaldan oo inbadan ragaadiyay qalbigiisa kana dhigay qof dhugmo xun oo aan dheeldheelka aduunyo ka baxayn .

Maalintan isagu jeebkiisa shillin kuma jiro,si aan looga garan dadka ayuu hurdo dheer galay,wali ma baran shaxaadka ay dadka qaar shaqadda ka dhigteen oo waa dhalinyaro aanay waayaha balwaddu soo ridan ,laakin ku foogan codsiyo iyo faylal lala hortaagnaado xafiisyo intii joogtay aanay hawl hayne inta maxasta laga soo ururiyay lagu siiyo mushahar ahaa.

Laakiin suuqa wuxuu xaami u yahay dadyow aan u dhalan halkay joogaan ,waa lagag kalsoonyahay oo shaqdooda waa u daacad,waanay u dibjiraan ,waa la kala waayaa sida habsamida ah ee ay shaqadda u qabtaan awgeed.

Ma aqoonyar,ma caqli yara,laakin wuu garasho daranyahay oo guulo daran yahay meesha uu diidayo waa loo soo haajiray habeenaana loo soo dhaxay ,dhereg iyo dhigasho labada way yaalan.

Habada markaad dhalinta Somaliyeed sidaa u eegto aqoon ku filan way leeyihiin,caqlina waa lagu galaday ,laakin had iyo jeer waxay ka cawdan shaqo la’aan xafiisyada dawlada ayay buux dhaafiyeen ,fikir iyo dhakafaan aan meel gaadhsiinaynay ayaa dilay niyad jab ayaa ku habsaday ,haddana dalkii ay joogeen dollar ayaa laga diraa,dadbaa laga biiliyaa ,duunyaa laga dhaqdaa,dalkalena waa lagu dhisaa,habeen iyo dharaar dadbaa dhayka maala,isna wuu ka dhugmo laaya’ay,dadbaa dhaameelsadda isna waa ka dharab laaya’ay,dadbaa ku dhargay isna dhagxumo qaajaa damqaysa,dadbaa dhibirsanaan ku maala,iska dhayal ayuu uga dhuyaalayaa.

Dhalin wadda habawday oo dhulkale u hilaacay haddana dhagxumadu damqayn oo dharag iyo gaajo kala doortay.

Markasta oo shaqaadan buuxda ee dadka aan u dhalani ka dhaansayan qabo la yidhaahda jawaabta uu ku siinayaa waxa weeyi ma shaqaa taala,shaqadani taydii maaha,kuma soo baxayo iyo ereyo dhagta diidaa aanay u adkaysanayn.

Habada iyadoo ay sidaa tahay ayanay wali dhalinteenii dhulka cagaha dhig oo aanay u dhugmo lahaan dhibta Ajanabigu ku hayo wixii ay iyagu qaban lahaayeen waxaan dhalinyarada leeyahay .

Dhalinyahay dalkoodii

Kudoorsaday dabaylaha

Dhalinyahay dalkoodii

Dibadaha ka marayaa

Dhalinyahay dalkoodii

Darxumada ka doorbiday

Dhalinyahay dalkoodii

Shaqo li’I ku daadiyay

Dhalinyahay dalkoodii

Dabargoynta lagu hayo

Dhalinyaha dalkoodii

Loo mariyay dacariyo

Wax dubaaqu yeelayn

Midho dahabsidoodii

Miyaad kali dawaaftan

Dalka wada martan kali

Isku doorataan shaqo

Isku duubni dihataan

Kala daadisaan fikir

Meelkale u dudayoo

Dal shisheeye kaa rabay

Ood hadal ku duubtaan

Inuu maanku dagi karo

Shaqo durugsan heli karo

Dadna ugu horeyn karo

Uu durduuran karo malab

Umad daadahayn karo

Dalka horumar gaynkaro

Dibadahana nici karo.!

Dhalinyaradu waa inay ku samirtaa dalkeeda oo samaysataa shaqada ay raadcaynayso ee riyo maalmeedkoodu tuseen tub qaloocda oo lagu hiiftoonayo.

Khadar Nuux Yoonis

knyonis@gmail.com

Hargeisa Somaliland