Tamashle (sheeko gaaban)

 

 

 

Kulaylka qorraxda ayuu ka hadhsaday oo goor duhur iyo casar u dhexeysa sariirta dhabarka u gu jiifaa. Qol uu keli ku yahay ayuu saqafka indhaha ku hayaa. Diillimo yaryar oo saqafka ka muuqda ayay eegmadiisu ogaan la’aan u raacraacday, fekerka iyo xusuusta uu ku maqan yahay ayuuna sii macaansaday. In kasta oo aanay hurdo badani hayn in uu kulaylka ka yara seexdo ayuu doonayay. Laakiin gabadha uu berri u ardaadhigayo arrinkeeda ayaa markiiba ku soo dhacay iyo sida hawli noqon doonto. Waa tu yar oo wacan oo ay go’aan adag is la meel dhigeen, xaggeedana ka ma welwel qabo, laakiin xilka ku soo socda sida uu u maamuli lahaa ayay maalmahan oo dhan maskaxdiisu dayn la dahay.

Hawsha guurka ayuu fekerku ku soo galay, laakiin imika xusuuso iyo filashooyin is ku wada raran oo aanu u tooghayn baa ku soo furmay, dabadeed wuu is ka sii jeclaystay. Mar uu fekerkiisa jiciirtay ku baraarugay wuu la yaabay sida ay maskaxdu maalinba meel aanu filayn u gu hayaamiso. Cajiib! Alla maskaxdu tan badanaa! ayuu la yaabay. Riyooyinkii xalay buu la fajacsanaa iyo sidii ay run u gu ekaayeen, iyo dhulkii ay geeyeen, iyo meesha imika loo daaddihiyay. Alla maskaxdu qaad weynaa! ayuu is yidhi. Mar kale ayuu mala’awaalkii macaanaa la tegay oo samada u la baxay. Saqafkii buu dhex galay oo ku libdhay. Wuu ogaa in uu sii socdo oo xiskiisu dhalanteed ku sii lumayo, laakiin wuu isa soo qaban kari waayay, naftiisa ayaa doonaysay oo wuu sii jeclaystay ilaa uu lumay oo is waayay.

Imika waa soddon jir Burco ka ga shaqaysta farsamada baabuurta, laakiin yaraantii reer miyi buu ahaa. Miyiga in uu ku noolaado oo xoolo dhaqdo oo degaanka dabiiciga ah dhex joogo ayuu ka jeclaa Burco, duruufaha nolosha ayaa se magaalada qiiqa iyo siigada iyo qaylada badan ku dabray. Qiiqa iyo siigada iyo qaylada iyo qorraxda ayuu imikana ka soo dhuuntay marka uu sariirta dhabarka u jiifo ee saqafka eegayo ee khayaaligiisu faraha ka baxay. Degaan miyi iyo xoolo iyo duni dhan buu daawanayaa.

Isaga oo aad u niyad wacan ayuu tegay miyiga oo roobban oo barwaaqo ah oo xooluhu dhaleen. Wax waliba waa ay wacan yihiin oo qurux badan yihiin. Wax waliba. Wax uu dareemayaa gobannimo iyo weynaan iyo sarrayn iyo jacayl iyo raynrayn. Waa barqo aan kululayn oo qorraxdu daruuraha roobban ku dhuumaalaysanayso. Dhulku uumi udgoon oo rays ah buu neefsanayaa. Roobabkii kuga ayaa ciidda jilciyay, xalayna gudgude weyn baa arlada miray oo kolka cagtu dhulka ku dhacdo wuu diismayaa oo dayaan baa ka yeedhaya. Waa ay aad u dhir badan oo caleentu dabooshay. Geed waliba bilicda abuurtiisa u gu sarraysa ayuu ku dhaatay, wax uuna soo bandhigay caleen, ubax, midho iyo laamo curdin ah. Geed waliba barwaaqada ayuu ka hodmay, dabadeed noolaha martiya deeqsinnimo ku sooray. Noloshu waa ay is buuxisay oo waxba ma dhinna, wax walibana waa raalli. Kaynta hawrtay ayuu keligii dhex marayaa. Ma degdegsana oo dan ka baylahaysaa ma jirto. Waa tamashle. Wax uu qabaa wanaag nafsadeed oo aad u weyn.

Dharabka dhirta ka tifqaya ayaa jabaqda xoojinaya oo meel durugsan baa wax la ga maqlayaa. Noolaha ayda ka buuxa inta ishu qabanayso waxaa ka badan inta dhawaaqeeda la maqlayo. Wax uu maqlayaa cida xoolaha. Baarqab baa mar guuxaya, mar doobta ka ga daryaaminaya, mar kalena micilisanaya. Geel baa ololaya marna reemaya, oo nirgo ayaa yuusaya marna dunuunucaya. Ri baa ciyaysa, orgi baa qalaadaya oo qaloonbiyaya. Ido iyo naylo ayaa isu ciyaya. Lo baa araasiyaysa oo bannaaxiyaysa. Fardo ayaa dananaya. Sawaxanka shimbiraha ayaa isu baxaya; shimbiro isu yeedhaya, isu heesaya oo isu jiibinaya. Koor geel baa baxaysa, boodaan iyo aleenba. Wax uu maqlayaa dhawaaqyada kurayada iyo foodleyda xoolaha la jooga ee bardoodamaya. Yeedhooda iyo hadalkooda iyo oohintooda iyo qosolkoodaba wuu maqlayaa. Foodhida xoolaha la gu wado ayuu maqlayaa. Foodhi-gaallada ay wiilashu is ku maaweelinayaanna wuu maqlayaa. Waxaas oo cod iyo intaas oo dhawaaqba wuu maqlayaa.

Isaga oo liibaantaa dhex tamashleynaya ayuu baabuur guux weyn oo soo ag maray ka ga nixiyay. Mise wallaahay qolkii yaraa buu jiifaa oo saqafka cad liidadka yaryar daawanayaa! Oo wixii oo dhami ma dhalanteed bay ahaayeen? Cajiib! Alla maskaxdu qaad weynaa! ayuu mar kale is yidhi. Ilbidhiqsigii kaa xigay ayuu khayaaligiisu mar kale dib u cararay.

Ayda barwaaqaysan ee uu dhex jiidhayo laamaha curubta iyo caleenta xooluhu goosteen, ubaxa ka la jaadka ah iyo xabagta roobku qooyay waxaa ka soo kakamaysa ur ka la duwan oo sanka u loollamaysa. Ilbidhiqsi walba wax uu dareemayaa maqal, muuqaal iyo ur cusub oo gooni ah. Bal eeg labadaa sagaaro ee isa sii daba gaatamaya, ayay naftiisu tidhi, waa yac iyo atoor. Bal eeg cawshaa gubadka yar daaqaysa, dhawr jucuur oo geeso waaweyn baa ku dhex jira. Bal eeg saddexdaa dabataagood iyo liigga. Wacanaan lahaydee in aad aragto deero siig la socdo, iyo garanuug. Waad soo aragtay gorayooyin ugxan dhigtay oo haldhaayo iyo gorayacawlo isu gu jira. Goodir waad aragtay oo xitaa markii aad dhaafaysay kaa ma uu didin, laakiin biciid ma aad arag, raadkiisa rayska maray ayaad se aragtay. Ugaadha degaankan ku nooli inta jaad ee ay tahay ma tirin kartaa? ayuu is wayddiiyay. Haa, haddii aad u soo jeesato waad tirin kartaa. Ugaadha, dugaagga iyo dhirtaba waad tirin kartaa, laakiin cayayaanka Ilaahay uun baa tirin kara.

Midho curdin ah ayuu geed hohob ah ka goostay. Jinaw si wacan u baxay ayuu dhawr caleemood oo dharabku tifqayo ka goostay, dhanaan uu u baahnaa ayaana qanjaha rooray. Marooro duur ku soohan buu ka furfurtay, dhanaan macaan ayayna lahayd. Carrablo’aad rayska ka qotoma oo dhudhun dherer la’eg buu arkay oo daawsho ku dhaafay. Xamankow curdin ah oo geed xoday ah hoostiisa rayska wadhan buu arkay, sida quruxda badan ee uu faraqyada u bixiyay ayuuna daawaday, dabadeed far buu ka goostay. Sarmaan-jiif weyn oo sida dallaayadda isu fidisay oo ubax cad oo udgooni qariyay oo duulaagu ku damaashaadayo ayuu ubax ka goostay oo udgoonkiisa ursaday. Sarmaanta hoosteeda ee ciidda cas ee rayska ah ee aan cawska lahayn ayuu eegmada geliyay, wax uuna arkay dhawr like oo qaarkood soo fuureen qaarkoodna debedda yimiddeen. Timayuluq iyaduna soo fuurtayna wuu arkay. Rayska sarmaanta hoosteeda ahi aad buu u udgoonaa una qaboobaa, in uu yara fadhiisto ayuuna ka fekeray, laakiin ma uu daallanayn. Wax uu doonayaa maanta oo dhan in uu aydan is ka sii dhex socdo oo aanu ka bixin.

Mar kale maqalkiisa waxaa dhabqiyay niman aad u qaylqaylinaya oo daaqaddiisa hoos maraya. Illayn weli saqafkii buu daawanayaa! Dhinac buu isu rogay isaga oo doonaya in uu yara seexdo oo dhalanteedka maskaxda ka saaro, mar kale ayuuna sii yara eegay hawsha guurkiisa. Laakiin imikana derbiga sariirta ku dhinac yaalla ayay indhihiisu qabteen. Qudhaanjo yar oo maraysa ayuu isha la raacay, sidii uu u eegayay ayayna wax kale u la ekaatay. Waa gaadhi waddo ku taagan. Maya, waa dameer dhaaminaya. Ama waa hal oo aroor ah. Sac xitaa waa ay u eg tahay, iyo xitaa lax, ama ri. Haddana wuu la yaabay sida ay maskaxdiisu qudhaanjadan wax kale u ga dhigtay. Maxaa qudhaanjada u ekaysiiyay gadhi iyo xoolo?! Cajiib! Taas buu ka fekerayay, mooyi se goor uu haddana kayntii hore ku noqday.

Maskaxdiisa waxaa ku soo dhacday dhirta uu dhex socdo tiradeedu inta ay ahaan karto, in uu tiriyo ayuuna ka fekeray. Fikrad liidata ayay la noqotay, haddana wax uu bilaabay in uu tiriyo. Lebi, yucub, raydab, qudhac, maygaag, bisiq, qararro, xagar, xoday, xagarmadow, gawlallo, dhammaajo, qadhoon, dhuundhas, cadaad, bilcil, jaleefan, qansax, gumar… sabansabdho, himir, dhuyac, dhafaruur… wax uu is arkay isaga oo tirinta dhirta ku shuqlan. Haddana wax uu ka fekeray geed walba abuurtiisa waxa uu ka yaqaanno. Xodaygu in uu lee yahay dheecaan caano u eg oo marka la turqo ka soo burqada in yar ka dibna xabag noqda ayaa maskaxdiisa ku soo dhacday. Alla xodaygu qadhaadhaa! ayuu xusuustay. Taa beddelkeeda xagarmadowgu in uu lee yahay dheecaan aan midab iyo dhadhan lahayn oo qunyar u soo baxa, hadhowna noqda xanjo la raamsado iyo foox udgoon oo la shito ayuu og yahay. Haa, dharkaynka isagana waxaa ka soo burqada dheecaan caano u eg oo haddii ay jidhkaaga taabtaan ku guba oo aad muudhmuudho.

Si kediso ah wax uu u gu soo baxay xeryagaallo waaweyn oo cidla ah oo saaka geelal ka dareereen. Xeryihii buu dhex galay. Ardaagii buu istaagay; ardaa aad u weyn oo oodo iyo caws la gu dugsiyay, dureemana aad loo gu goglay oo xerayaha ka dhex samaysan. Dabkii saaka la shitay oo dambas daboolay weli wuu sii nool yahay. Ardaaga muskiisa ayuu eegeegay. Haa, gaawayaal caano ah oo xarfanaya oo yacayga ardaaga ku xasaysan buu arkay. Mid buu la soo baxay oo inta uu gogoshii dureemada ahayd la fadhiistay labada dhaban qabsaday. Caano lis ah oo qaboobay oo macaan oo udgoon oo la garanayo in geel dhalay la ga lisay ayay ahaayeen. Kolkii uu dhamay ee ka dhergay ayuu meeshii ku celiyay, cawskii awal ku daboolnaana si wacan u gu deday. Ma uu dareemin caanaha in uu xaday, waayo wuu hubay raggii meesha dhigay in ay ku farxi lahaayeen cid u baahani in ay dhantay. Socodkiisii ayuu sii watay.

Sidii uu u socday dhulkii waxaa ku dhacay isbeddel uu dareemay. Haa, hoobasho ayuu dhulku yeeshay uu dareemay in uu hore u hantaaqoonayo. Damal badan oo teedsan ayay haddana hortiisa indhuhu qabteen. Intii aanu feker haleelin ayay sankiisa soo gaadhay ur gooni ah. Ilbidhiqsigii xigayna il bannaan buu u soo baxay. Haa, waa balli weyn oo biyuhu galac lee yihiin. Biyihii oo qaboobaa ayuu cabbay, dabadeed madaxa iyo gacmaha iyo lugaha ku maydhay. Biyaha sida deggan u jiifa, ee hareeraha garagaradu ka lingaxday, damasha waaweynina hadoodishay, ayda barwaaqada ahina ku meegaaran tahay ayuu baraadli’i u daawaday. Meel ka qurux badani in aanay dunida jirin buu naftiisa u gu dhaartay. Cid uu jecel yahay in ay la joogto oo la daawato ayuu jeclaystay. Ilbidhiqsigaa ayuu dhabarkiisa jaqaf ka maqlay, mise waa Xiis, tii uu berri u fadhiisan lahaa! Farxaddii buu hambaaberay. Sariirtii buu dhanka kale isu gu rogay. Cajiib! Alla maskaxdu qaad weynaa, ayuu la sii yaabay.

Isaga oo adduunkaa ku jira ayuu ogaaday in ay goor dambe noqotay qorraxdiina qabowday, dabadeed inta uu kacay ayuu dharkii shaqada gashaday. Dharka shaqadu aad buu u uskag badnaa oo saliid iyo habaas baa isu gu dhegay, siifadda ka soo uraysa ayaana ka daran. Geerashkiisii boodhka weynaa kolkii uu mar kale ka shaqo galay sawirradii quruxda badnaa ayaa maskaxdiisa ka buuxay. Malaha iyaga ayuu dheefsanayay oo foolxumada geerashka u gu adkaysanayay. Kollay xusuusta Xiis wuu dheefsanayay oo foolxumada geerashka u gu dulqaadanayay.

Ibraahin-Hawd Yuusuf