Talyaaniga Oo Badbaadiyay 4700 Oo Huhaajiriin Ah

 

Hargeysa(SLpost)- Ciidamada Illaalada xeebaha ee dalka Talyaaniga, ayaa sheegay in 24 saacacadood ee u danbeeyay ay xeebaha dalka Liibya, ka soo badbaadiyeen ku dhawaad 4,700 oo qof, oo ah muhaajiriin tahriibayaal ah oo la socday labaatan doonyood oo ka samaysan caag, kuwaas oo isku dayayay in soo galaan Yurub.

Ciidamada Illaalada xeebaha ee Talyaanigu waxa ay sheegeen in tahriibayaashan ay soo badbaadiyeen ay ku jirtay gabadh la helay iyada oo meyd ah, waxaanay xuseen in sannadkan aynu ku jirno ay tobanaan kun oo tahriibayaasha ah oo intooda badani ay ka soo haajireen Afrika iyo bariga dhexe, ay isku dayeen in ay tahriib ahaan uga soo gudbaan badda Mediterranean-ka iyaga oo soo raacaya doonyo yar yar oo caag ka samaysan oo aad u halis badan.