Talo Soo-jeedin Ku Socota Gudida Doorashooyinka Qaranka Iyo Daneeyayaasha Doorashada Deegaanka

Anigoo kamida dadka sida dhaw ula socda Geedi socodka Dimuqradiyadeed ee Somaliland iyo Sooyaalka Doorashooyinkii aynu soo maray Isla markaana aad ugu dhuun daloola Duruufaha ku Gadaaman Doorashada Goleyaasha Deegaanka ee fooda inagu soo haysa , waxaan jeclaystay inaan Tala bixintan usoo Gudbiyo : GUDIDA DOORASHAYOONKA EE  JAMUURIYADA SOMALILAN IYO DANEEYAYAASHA DOORASHADA GOLEYAASHA DEEGAANKA SIDA  : URURADA SIYAASADA IYO WASAARADA ARIMAHA GUDAHA WAANA SIDAN :

Waxa jirta in Degmo kasta  ay ku loolamayaan Todobada Urur/Xisbi siyaasadeed Islamarkaana ay ku leeyihiin Musharixiin uga qayb galaysa Tartanka doorashada , taasoo keentay inay soo baxaan Musharixiin tiro dhaafa oo saamayn wayn ku yeeshay bulshada islamarkaana xamaasad aan iyadoo kale horre inoo soo marina dhalisay .

Waxa kale oo iyana xaqiiqo jirta ah in Ardayda Jaamacadaha Dalka ee ka hawl geli jiray Goobaha doorashada oo runtii kaalin Taariikhiya ku lahaa Hirgelinta Doorashooyinkii kala dambeeyey ee ina soo maray ay Dadoodu hoos u dhacday kuna soo ururtay cecelis ahaan 18 -24 kuwaas oo ay saamayn muuqata ku yeelatay xamaasada ololaha doorashada oo heer xaasaasiya marayaa , tus ahaan : Magaalada Hargaisa waxa ka sharaxan 175 musharax hadii loo qaybiyo shanta degmo ee caasimada Degmo walba waxa ka sharaxan 35 musharax , Degmo kastaa haday ka koobantahay 5 xaafadood , xaafad walba oo kamida Hargaisa waxa ka sharaxan 7 musharax ,ardayda Jaamacaduhuna waa hubaal in ay saamaysay xamaasadaa heerka sare gaadhay sidaa daraadeed  waxaan ku talin lahaa :

Si aynu ugaNabad Gallo wax is daba marin iyo Musuq-maasuq ka dhasha Goobaha cod bixinta isla markaana loo  helo Doorasho Xaqa oo Xalaaala oo si Cadaalada u dhacda in Laisku badbadalo  Hawl-wadeenada Goobaha Doorashooyinka ka Hawl-galaya , si Degmo kasta ay uga hawl galaan , Hawl wadeeno aaan danaynayn Musharixiinta Degmada ku loolamayaa , tus ahaan : Hawl-wadenada 6 magaalo madax ee Gobolada hala isku badalo si aynu uga baxsano in Hawl-wadeeno Daneeyayaali inay inoo dhuuntaan Doorashoda iyo Amaankana ay wax yeelaan .

Allaa Mahadle

Garyaqaan Ahmed Yousuf Nour ,

Tel 4471313