Tallaabo Qofka Kasta oo Muslim ah u Noqonaysa Sadaqo iyo Xasanaad Jaari ah: u Hiili Walaalkaa ama Walaashaa oo gargaar u baahan

Walaalkeyga ama Walaasheyda Muslimka ahow, ma ogtahay in sadaqo kooban oo aad jeebbahadaas ka bixiso oo Adduunyo iyo Aakhiraba ku anfaysa ay waxtar weyn u tahay Qof walaalka ah oo Muslim ah oo Dhibaataysan.

Xaafadda ama magaalada aad ku nooshahay waxa ku sugan Dad badan oo Xannuunka Dhimirku haleelay oo ku dhibaataysan jidadka magaalooyinka. Waxa jira Qaar badan oo Guryahooda ku sugan oo qoysaskoodu la dhibaataysan yihiin, cid caawissana u baahan.

Dadkaasi, Illaahay ka sokow, cidda ay sugayaan waa Innaga oo u fidin karna gurmad iyo taageero.

Ururka samafalka ah ee Somaliland Mental Health Support oo ay aasaaseen dhalinyaro iskood isu-xil-qaantay oo Gudaha iyo dibadda dalkaba ku sugan, waxa uu taageeraa oo qayb laxaad leh ka geystaa caawinta Dadka Xannuunka Dhimirku hayo ee ku kala nool gobollada Somaliland.

Muuqaalka Hoose kaga Macluumaad badan oo ku saabsan Sida aad uga qayb-qaadan karto Caawinta ama taageerada Dadka Xannuunka Dhimirku hayo ee taageeradeenna u baahan