Tallaabadii ugu horreysay Qorshe Korontada Quwada Biyaha ku shaqaysa ee Itoobiya lagu soo gaadhsiin lahaa oo Maanta lagaga Dhawaaqay magaalada Hargeysa

Hargeysa, 29 March, 2012 (SLpost)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay Wahelinaayen xubno ka mid ah Golaha Wasiirradda iyo Wakiilka Itoobiya u fadhiya Somaliland, ayaa ka qayb galay Xaflad qaadhaan loogu ururinayay hirgelinta qorshe Korantada Itoobiya ee biyaha laga dhaliyo loo soo gaadhsiiyo Somaliland.

Munaasibad loo qabtay sannad-guurada koowaad ee ka soo wareegtay markii la hirgeliyey Biyo-Xidheenka weyn ee laga Dhaliyo Quwadda Koronta Dalka Itoobiya oo lagu qabtay magaalada Hargeysa ayaa sidoo kale lagaga dhawaaqay daah-furka qorshahan oo qaadhaan loogu ururinayo Biyo-Xidheenkaas si Korontada dalka Itoobiya la soo gaadhsiiyo Somaliland, waxaana munaasibaddaas isla markiiba Qaadhaan kaga yaboohay ganacsato, madax-dhaqameed iyo shakhsiyaad kale.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in Somaliland ay u tahay maalin aad u weyn, waxaanu xusay in korontada Itoobiya ee la soo gaadhsiin doono Somaliland ay wax weyn tari doonto bulshadda.

Md. C/Raxmaan Saylici wuxuu intaasi raaciyay inay tahay wax lagu farxo inay maanta iska kaashadaan Somaliland iyo itoobiya Dab awoodiisu gaadhayso Ilaa lixdan kun oo meg-wat (60,000 Megawat) waxaanu dawladda Itoobiya uga mahad celiyay iskaashiga balaadhan ee ay Somaliland la leedahay.

Madaxweyne ku xigeenku waxuu xusay inay Arrintani keeni doonta Horumar Balaadhan. Waxa kale oo uu u mahad celiyay dadkii ka qayb qaatay Tabarucaadkan lagu soo gaadhsiinayo laydhka Itoobiya magaalooyinka Somaliland.
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Wasiirka wasaarada Kaluumaysiga
Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan,(Geel-Jire) oo ka hadlay ahmiyadda uu dabkan Somaliland u yeelan karo una mahad celiyay dawladda Itoobiya oo uu carabaabay inay tahay saaxiib wey oo Somaliland leedahay.

Safiirka dalka Ethopia u fadhiya Somaliland Ambassador Bere Tasfaay ayaa tilmaamay qorshaha shanta sannadood ee soo socda ee ku salaysan horumarinta wadanka itoobiya kaas oo u dhexeeya Shacbiga iyo Xukuumadooda isla markaana ay xudun xidh u tahay sida uu yidhi baa’binta Saboolnimada isla markaana lagu kobcinayo Wax soo saarka gudaha si looga maarmo ka dibada.

Safiirku waxa uu sheegay inuu jiro ajande gaar ah oo ahmiyad weyn ugu fadhiya horumarinta Geeska Afrika kaas oo ay ka mid yihiin Mashruucan Tamarta dabka.

Waxa isna xafladaas ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacada Admas ayaa ka waramay muhiimada ay u leedahay Somaliland biyo xidheenkan laga dhalinayo tamarta waxaanu tilmaamay in biyo xidheenkani yahay ka ugu weyn qaarada Africa waxaa kale oo uu xusay in munaasibadan ay ku aadan tahay sannad guuradii koowaad ee ka soo wareegtay bilowga dhismaha dhaamkaasi oo ah mashruuca dhalinta tamarta dabka, waxa uu Gudoomiyuhu intaasi ku daray in munaasibadaas ay iska kaasheen Jaamacada Admas iyo Safaarada Ethiopa ee fadhigeedu yahay Caasimada Hargaysa.

Magacyada dadka ku yaboohay Qaadhaanka loo ururinayey Biyo-Xidheenka

1.     Cabdiqaadir Xaashi Cilmi  50,000$

2.     Suldaan Ismaaciil Suldaan C/raxmaan  1000$

3.     Aamina Maxamed Gaafane 200,000 Birr

4.     Dube Cali Yare    2000$

5.     Xasan Gaas  2000$

6.     Xuseen OO ku Hadlayey magaca jaamacada Admas  10,000$

7.     Khadra Kaliil     gudoomiyaha Socsa     500$

8.  Cumar Maxamed Cismaan   2000$

9.  C/raxmaan oo ka socday shirkada Alnuur   250,000Birr

10.   Shukri Nuur Faahiye 100$

11.  Ifraax Muuse Jaamac 100$

12.  Mustafe Ali   oo ka socday jaamacada Adis Ababa Medical 5000$

13.  Maxamed Maxamuud Xirsi 500$

14.  Suldaan Maxamed Maxamuud  1000$