‘Tallaabada Tigrey, Tabaabushey ina faraysaa’

 

Golaha ammaanka ee Qaramadda Midoobay ayaa kansal gareeyey fadhi loo ballansanaa in uu kaga hadlo dagaalka Gobolka Tigrey ka dib markii waddamada Afrikaanka ah ee golahaa ku jiraa ay ku adkaysteen in aan golaha ammaanku faragelin arrinta Itoobiya.

Sidoo kale, Madaxwaynayaasha Jabuuti, Ereteriya iyo Soomaaliya ayaa sheegey in ay barbar taagan yihiin tallaabada Raysal wasaarre Abby Ahmed ka qaaday gobolka Tigrey.

Dhinaca kale, Adduunwaynaha ayaa sheedda ka daawanaya dagaalka ka holcaya gobolka Tigrey ilaa hadeerna ma jirto wax tallaabo ah oo beesha calaamku ka qaadday dagaalka ka socda Tigrey muddada ku dhaw soddonka cisho.

Sababta adduunyadu uga aamustay dagaalkan ayaana ah in xaaladda Gobolka Tigrey loo arko arrin u dhaxaysa wadan gudihii, sidaa darteed cid waliba waxay iska dhawraysaa in ay ku deg-degto inay dhex gasho mashaqada Itoobiya.

Sidaa markay tahay, waxaa caddaan ah in aan Adduunku dhaqso usoo faragelin doonin qalalaase kasta oo ka dhex oogma Somaliland iyo Soomaaliya. Muranka u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliyana wuxuu ka xeel-dheer yahay ka u dhaxeeya Maqalle iyo Addis Ababa, sababtoo ah kuwaasi waxaabay isla ogol yihiin in ay Itoobiya wada yihiin, laakiin Hargaysa iyo Muqdisho intaas ayaanay islaba ogolayn oo khilaafkooduba ka taagan yahay.

Sidaa darteed, Talaabada lagga qaadey Tigrey waxay ina faraysaa tabaabushe, tabaabushahaas oo isugu jira mid Diblomaasiyadeed, mid dhaqaale iyo mid ciidanba, marxaladda cusub ee Adduunyaddu imika gashayna xeerka lagu dhaqmaa waa xoog.

Axmed Nuur Guruuje