Taliyihii LRA oo ICC la horgeynaayo

Hague(SLpost)Taliyihii hore ee kooxda mucaaradka Ugandha ee LRA ayaa maanta la filayaa in la horkeeno maxkamadda dembiyada caalamiga ah ee ICC ee fadhigeedu yahay Hague.

150107131923_dominic_ongwen_lra_uganda_512x288_bbc_nocredit

Dominic Ongwen waxa uu wajahayaa 67 eedood oo ka dhan ah aadanaha iyo dambiyo dagaal oo lala xidhiidhinaayo afar weerar oo lagu qaaday xeryo ay deganaayeen dad barakacayaal ah oo ku noolaa Waqooyiga Ugandha sanadihii 2002 iyo 2005.

Mr.Ongwen waa qofkii ugu horeeyay ee xubin ka ahaa LRA oo la horkeeno maxkamad. Hogaamiyaha guud ee kooxdaasi, Joseph Koni waxa uu ka mid yahay dadka ay ICC aad u doondooneyso. Sida ay sheegtay waaxda dacwad oogista, ciidamadii Dominic Ongwen, waxa ay masuul ka ahaayeen dilka dad shacab ah, gubidda guryahooda iyo bililiqeysiga alaabtooda.

Warqado maxkamadeed oo BBC-da ya heshay, waxaa ku qoran in mid ka mid ah dhibanayaasha uu sheegay in ciidamadiisa ay wiil ay aayo u tahay ay boorso ku xireen ayna ku dul istaageen illaa uu ka dhinto. Dominic Ongwen waxaa sidoo kale lagu eedeynayaa inuu afduubtay gabdho iskuuley ah oo 15 sano ka yar, si ay kooxdiisa ugu dagaallamaan.

Shanta maalin ee soo socota, labada dhinac ee dacwad oogayaasha iyo difaacayaasha, waxa ay fursad u haystaan inay shaaca ka qaadaan doodooda.

Xeer ilaaliyayaasha ayaa fursad u haysta 60 maalmood inay go’aan soo saaraan, oo ah in cadeyn ku filan loo haayo kiiska Dominic Ongwen iyo inkale.

Waxaa laga cabsi qabaa in kooxda LRA ay dishay in kabadan 100 kun oo qof, ayna afduubatay 60 kun oo caruur ah intii uu socday dagaalkii dhiigga badan uu ku daatay ee tobannaanka sano soo jiitamayay.