Taliye Xiirane oo la wareegay Xilka Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo Kaftan laysku weydaarsaday Madashii Xil-wareejinta

Berbera (SLpost)-Taliyhii hore ee Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland Admiral Axmed Cismaan, ayaa xilka ku wareejiyey Taliyaha Cusub ee dhowaan madaxweynuhu u magacaabay Ciidanka Ilaalada Xeebaha General Maxamed Xuseen Faarax Xiirane.

Munaasibadda Xil-wareejinta oo ka dhacday xarunta Ciidamada ee magaalada Berbera, waxa ka qayb-galay Wasiirrada Wasaaradaha Ganacsiga, Kalluumaysiga, Wasiiru-dawlaha Maaliyadda, Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha, Maamulka gobolka Saaxil, ka degmada Berbera, Maamulka Dekedda, Saraakiil ka socday Hay’ado caalami ah iyo Saraakiil Ciidammada Somaliland ka tirsan.

HALKAN KA DAAWO