Taliye-xigeenka Laanta Socdaalka oo Shallay la xidhay

 

Hargaysa(SLpost)- Taliye ku xigeenka laanta socdaalka Somaliland, gaashaanle dhexe Maxamed Saleebaan Xasan (Sablaale) ayey ciidammada amaanku shalay xabsiga u taxaabeen.

 

Xadhigga taliye ku xigeenka laanta socdaalka Somaliland, ayaa la sheegayaa in uu ka yimid ka dib markii uu gacan ka hadal dhex maray taliyaha laanta socdaalka Maxamed Cali Yuusuf (Cambaro) oo la sheegay inay isku khilaafeen arrimo la xidhiidha maamulka laanta socdaalka.

 

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde oo faro-galiyey khilaafka gacan ka hadalka gaadhey ee u dhexeeya taliyaha iyo taliye ku xigeenka socdaalka isla-markaana isku dayaya inuu xal u helo ayaa amray in la xidho taliye ku xigeenka laanta socdaalka, Gaashaanle dhexe Maxamed Saleebaan Xasan (Sablaale).

 

Gaashaanle dhexe Maxamed Sablaale oo ay xarunta laanta socdaalka ka kexeeyeen gelinkii hore ee shalay ciidammada loo yaqaanno RRU oo amar ka haysta wasiirka arrimaha gudaha, ayaa ku xidhan xarunta ciidammada birmadka ee Magaalada Hargeysa.