Taliye Fadal 15 Maalmood U Qabtay In Beersoosha Gaadiidka  Lagaga Furo, Digniina u Diray Tagaasida Tukhaanka Loo Yaqaano

 

 

Hargeysa(SLpost)-Taliyaha ciidanka booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa mudo 15 maalmood ah siiyay shacbiga Somaliland inay gaadiidkooda kaga furaan bacda beersoosha la yidhaahdo, waxa uu digniin u diray gaadiidka yar yar ee Taxi-ga ah ee Tukhaanka loo yaqaano iyo meheradu uu ku sheegay inay isbiirtada u iibiyaan daroogo ahaan.

Taliye Fadal oo warbaahinta la hadlaayay waxa uu ugu hogayntii yidhi “Baabuurta yar yar ee loo yaqaano Vitis dadka qaarkiina u yaqaanaan tukhaanka waxa aan halkan ugu baahinayaa inay gaadiidkaas wataan dad u badan dhalinyaro kuwaas oo aanay masuuliyad saarnayan, hadaan qodobeeyo sida ay socdka wadada u marayaan markii aanu qiimayn samaynaynay waxay noqdeen shilalkoodu kuwo aad iyo aad u badan, taas oo ay keenayso masuuliyad darada dhalinyarada wadata, ma lihi waa wada caynkaas laakiin ragaas dhalinayrada u badan waxaad arkaysaa isaga oo qalad iyo meel kasta ka faadhaya gaadiidka,qaarkood waxa loo siticmaalaa waxyaabo nabada khatar ku ah oo mukhaadaraadku uu ka mid yahay, waxa xataa jira kuwo gabdho lagu afduubay,baabuurta yar yari xawaaraxoodu aad ayuu u sareeyaa dhan walbana dadka waa ay ka dhaafayaan, markaas halkan ayaan uga digayaa”

Taliye Fadal oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Waxa jirta bacda beersoosha la yidhaahdo oo shirlalka ka qaybqaadata waxaad arkaysaa gaadhi muraayada horeba lagaga xidhay, oo dhinacyadii oo dhan lagaga xidhay oo wax ku jira aanad garanayan, waxaan halkan dadweynaaha reer Somaliland uga bayaaminayaa in ay bacdaas mudo 15 maalmood ah ay gaadiid kooda kaga jaraan, waxii ka danbeeya boolisku waxa uu qaadayaa hawlgal balaadhan oo bacahaas gaadiidka lagaga jaraayo.”

Ugu danbayntii waxa uu taliyahu fariin u diray dadka mukhaadaraadka ka ganacsada“Waxa jirta isbiirtada oo loo sitimaalo nabarada tukaamo iibinaayay oo si sharci daro ah u isticmaalayay oo laga xidhay, waxaad arkaysaa caruurtii da’yarta ahayd  oo laga iibinayo oo lagu baabi’inayo, cidii arintaas boolisku ku helaan waxaanu ka qaadaynaa talaabo adag oo sharciga waafaqsan, waayo waxa loogu talo galay ina dadka nabaradooda lagu dhayo laakiin dadbaa daroogo ahaan u isticmaalaya, wakhtigana xukuno adag ayaa lagu dhuftaa intii uu yimi gudoomiyaha maxkamada sare ee cusub, daroogaduna waa waxyaabaha amaanka khalkhaliya.”