Taliyaha Socdaalka Gobolka Gabiley oo Shacbiga ugu baaqay inaanay Itoobiya u safrin iyaga oo aan sidan waraaqihii Aqoonsiga

Wajaale (SLpost)-Taliyaha Laanta Socdaalka ee Gobolka Gabiley Maxamed Cabdi Gaas oo fadhigiisu yahay Magaalada Tog-Wajaale ee ku taala xuduudda Somaliland iyo Itoobiya ayaa, Shacbiga reer Somaliland ugu baaqey in aanay sharci la’aan ku soo marin marka ay u socdaalayaan dalka Itoobiya marinka u dhexeeya labada dal ee Wajaale.

Dhawaaqa Taliyaha ayaa ka danbeeyay kadib markii dhawaan ay labada dal gaadheen, heshiis dhinaca isu socodka ah taas oo la isla qaatay inaanay labada shacbi ee Somaliland iyo Itoobiya sharci la’aan isaga tallaabi Karin labada dal ee la kaantaroolo oo la adkeeyo socdaalkooda islamarkaana ay labada Xukuumadood ku wargaliyaan dadweynahooda in marka ay socdaalayaan aanay ka tagin sharcigooda
aqoonsiga ah (Identity Ducoment).

Maxamed Cabdi Gaas, oo si khaas ah ugu warramay Wariye madaxa bannaan ee Cabdiraxmaan Nuux (Hiiraan), ayaa sheegay in uu ku wargalinayo shacbiga reer Somaliland ee u socdaalaya dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya in
aanay ilaawin aqoonsigooda sharciga ah oo ah baasaboorka Somaliland, ama sharciyada kale ee (internationalka) ah.
“Shacbiga reer Somaliland waxaan u sheegayaa marka hore, in ay ka feejignaadaan in aanay sharci la,aan ugu socdaalin dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya oo ay soo qaataan sharciyadooda taas oowaxa ka tareysa xidhiidhka labada dal iyo qaanuunka Caalamiga ah ee isu gudubka dowladaha jaarka iyo kuwa aduunkaba”Ayuu yidhi Maxamed Cabdi Gaas Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley.

Mar Taliyaha wax laga weydiiyay waxa uu yeelayo, qofka u baahan dalkaasi Itoobiya ee aynu jaarka nahay, haseyeeshee, aan haysan baasaboorka Somaliland ama sharci kale  Waxa kale oo uu intaa ku darey hadalkiisa in uu wakhtigan xaadirka ah uga baahan yahay guud ahaanba bulshada reer Somaliland, i n ay kala shaqeeyaan oo ay muwaadinimo muujiyaan dadka tahriibta ku socda oo
bedelay qaabkii hore ee ay, u tahriibi jireen isagoo, arintaa kahadlayana waxa uu yidhi.

“Waxa kale oo an ku wargalinayaa shacbiga reer Somaliland in ay gacan naga siiyaan oo,ay muujiyaan muwaadinimadooda dadka tahriibta ah, oo hada bedelay qaabkii hore ee ay uga gudbi jireen xuduudaha, maadama oo ay balaadhan tahay meelaha laga gudbi karaa awal hore, baabuur ayay raaci jireen haseyeeshee, waxey ku gudbaan lug oo ma raacaan baabuurta kolay dhibaatooyin badan ayay inoo  eeyihiin , markaa waa in laga digtoonaado oo nalagala shaqeeyo oo shacbigu ay soo wargaliyaan
Ciidamada Booliska, kolay Booliskuna iyagaa nala soo xidhiidha ,markay arkaan oo noo soo sheega anaguna halkay joogaan ayaanu ugu tagnaa , Salaasadii oo u danbaysay waxaanu soo qabanay oo aanu godka carada kasoo qabanay 15 iyo laba lagu hayay Saldhiga Ciidanka Booliska
Tog-Wajaale todoba iyo tobankaas ayaanu gudbinay”Ayuu yidhi Taliyhu.

Waxaanu intaa ku darey oo kale “Masuuliyiinta Laanta Socdaalka Itoobiya, wixii bilaa sharci ah ee ay soo celiyaan anagay noo soo gudbiyaan, oo wadashaqeyn ayaa naga dhexeysa, haseyeeshee, ma jiraan
waxyaabo aan dhawaan ku arakayay Warbaahinteena oo ah in haween qaba cudurka Hiv/Aids ay dhinaceena u soo gudbaan waa been taasi”Ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Maxamed Cabdi Gaas Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley, ee Xaruntiisu tahay Magaalada Tog-Wajaale
ee ku taala xuduuda u dhexeysa labada dal Itoobiya iyo Somaliland

Somalilandpost.net

Somalilandpost08@gmail.com