Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Oo Ka Hadlay Hawl-Galadda Lagu Mastaafurinayo Dadka Soo Galeetiga Ah

Hargaysa(SLpost)Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland ayaa bulshada ku dhaqan Somaliland ugu baaqay in aan waxyeelo loo gaysan dadka aan u dhalan dalka inta laga saarayo,waxaana uu amaanay dad badan oo ka soo jeeda Qoomiyadda Oromada oo Ciidanka isku dhiibay si loogu celiyo dalkoodii ay Wakhtiga Badan ka Maqnayeen.

Waxa uu sheegay in Maxamed Yuusuf Canbaro hawla galada ay ciidanku wadaan in ay kaga sifayn doonaan dadka dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Itoobiya,waxaana uu tilmaamay in hawl galku ka bilaabay dhamaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

Taliyaha waxa uu yidhi”Waxaan bulshadda Somaliland ugu baaqayaa inaanay wax dhibaato ah u gaysan dadka aynu walaalaha nahay ee u dhashay dalka Itoobiya,bulshadda aniga oo ku adkaynaya waxaana idin leeyahay dadkaas cida kale ee loo ogol yahay in ay wax ka qabtaan waa ciidanka kala duwan ee Somaliland. waxaan halka ka tilmaami lahaa in qoysas badan oo isa soo abaabulay ay gacanta ciidanka isku dhiibeen,waxaana ay dalbadeen in lagu celiyo dalkoodii iyo meeshii ay ka yimaadeen,waxaana uu cida kale ee aan wali soo gali gacanta ciidanka faray in aanay amarad loo soo jeediyay ka dhaga adaygin ee ay sharciga u hogaan samaan,kuna Noqdaan dalkoodii.