Taliyaha Laanta Socdaalka Oo Ajaanibta Ugu Daray Mudo Kale Oo Ay Ku Diyaargaroobaan

Hargeysa(SLpost)-Taliyaha laanta socdaalka Maxamed Cali Yuusuf ayaa daboolka ka qaaday nay mudo bil ah ugu darayaan inay ajaanibtu talka kaga baxaan.

Waxa uu taliyahu sheegay mudada ugu kordhiyeen si ay u diyaar garoobaan mudadaas, waxii ganacsiyo ka yaalaana ay oga urursadaan dalka, waxaanu sidan u sheegay taliyahu warbaahinta “26 bisha koowaa ilaa 25 ka bisha labaad waxa ay dadku u haystaan inay ku diyaar garoobaan, si dadka ganacsiga leh iyo kuwa deegaanka noqdayba ay u diyaar garoobaan, waxay bishaas xukuumadu ugu kordhisay inay iskood isaga baxaan.”

Xukuumada Somaliland ayaa hore mudo bil ah ugu qabtay inay kaga baxaan dadka ajaanibta ah Somaliland waxaana dhawaan la qaaday talaabooyin dad tiro badan dalka lagaga mustaafiriyay, inkasta oo wali ay dalka ku sugan yihiin dad badan oo u dhashay dalalka dariska la ah Somaliland.